Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Image

ENTEBBE, Uganda — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa Isniintii ugu baaqay Soomaaliya inay mideyso dadaallada lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay in kala qaybsanaanta aqlabiyadda ay fursad siin karto tiro yar inay sii haysato saameynteeda.

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo booqasho rasmi ah ku jooga Uganda. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoojinta iskaashiga ganacsi iyo dhaqaale ee labada dal.

“Mushkiladda Soomaaliya waa mid fikradeed, waxaana jira faham khaldan oo laga haysto dhibaatooyinka,” ayuu yiri Museveni, isaga oo tusaale u soo qaatay dalal kale oo Afrikaan ah, oo ay ku jirto Suudaan, halkaas oo hababka maamul ee ku saleysan kala qaybsanaanta kooxaha ay qayb ka noqdeen khilaafaadka siyaasadeed.

“Dhammaan dhibaatooyinka aad ka hadlaysaan waan naqaannaa. Waxaan u baahan nahay inaan abaabulnaanno oo aan wajahno dhibaatada ugu weyn,” ayuu yiri.

“Mideeya aqlabiyadda si looga adkaado tirada yar, balse qaar ka mid ah Afrikaanka waxay rabaan inay ka careysiiyaan aqlabiyadda si ay ula safnaadaan tirada yar,” ayuu raaciyay.

Museveni ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay abaabul siyaasadeed iyo midnimo si wax looga qabto caqabadaha khatarta ku ah xasilloonida Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Uganda warbixin ka siiyay xaaladda amni ee Soomaaliya, isaga oo ammaanay doorka Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ee taageerada dadaallada nabadeynta dalka.

Ciidamada Uganda ayaa qayb ka ahaa hawlgallada taageerada nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyaga oo kaashanaya ciidamada Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Uganda taageerada militari ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo muujiyay rajada ah in ciidamada Uganda ay muddo dheer sii joogaan dalka si ay uga qayb qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo xasillooni waarta.

Al-Shabaab, oo xiriir la leh shabakadda Al-Qaacida, ayaa weli dagaal kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka, iyadoo weerarro ka fulisa qaybo kala duwan oo dalka ah, isla markaana khatar ku ah amniga gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Uganda soo dhoweynta ay u fidiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool, wax ku barta, kuna ganacsada dalkaas.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa kulanka ka sheegtay in ku dhowaad 8,000 oo Soomaali ah ay ganacsi ka sameystaan Uganda, halka qiyaastii 15,000 oo arday Soomaaliyeed ay wax ka bartaan jaamacadaha dalkaas.

Uganda oo dooneysa inay si toos ah qaxwaha ugu iibiso Soomaaliya
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo ballaarin lahaa ganacsiga labada dal, gaar ahaan sidii badeecadaha Uganda ay si toos ah ku gaari lahaayeen suuqa Soomaaliya.

Museveni ayaa soo dhoweeyay go’aanka Soomaaliya ay Uganda ugu oggolaatay inay dalka ka sameysato bakhaar lagu suuqgeeyo laguna iibiyo qaxwaha la farsameeyay ee Uganda.

Qorshahan ayaa la filayaa inuu ganacsatada Uganda u abuuro marin toos ah oo ay ku gaaraan macaamiisha Soomaaliyeed, isla markaana uu yareeyo ku tiirsanaanta suuqyada dhexdhexaadka ah.

Nelson Tugume, oo dhowaan ka soo laabtay Soomaaliya, ayaa labada madaxweyne u sheegay in Soomaaliya ay qaxwo ka soo dhoofsato dalal Yurub ah, iyadoo qaxwaha Uganda la sheegay inuu soo maro suuqyo kale ka hor inta uusan gaarin macaamiisha Soomaaliyeed.

Hindisahan ayaa la filayaa inuu xoojiyo xiriirka ganacsi ee labada dal, isla markaana abuuro fursado dheeraad ah oo ku saabsan ganacsiga iyo maalgashiga.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Uganda, Haruna Kasolo; Wasiiru-dowlaha Difaaca iyo Arrimaha Ciidamadii Hore, Huda Abason Oleru; Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Vincent Bagiire; iyo safiirka Uganda u fadhiya Soomaaliya, Sam Tulya-Muhika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaalkii Jameecada: Khasaare culus oo gaaray ciidamada dowladda federaalka

Dagaalka ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli Uganda ay ka digtay inay ciidamadeeda kala…

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 09:10PM

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan khilaafaadka siyaasadeed…

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 05:40PM