Musharaxiinta maamulka Garbahaarey oo la gudbiyey

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa loo gudbiyey liiska musharaxiinta afarta ah ee loosoo magacaabayo guddoomiyaha degmadda Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Guddiga wasiiradda ah ee xukuumadda xilgaarsiinta ah u saartey xalinta xiisadda gobolkan ayaa Axmed Madoobe u gudbiyey musharaxiintaan oo ay soo xuleen wax-garadka iyo odayaasha degaanka.

Nuur Maxamed Jaamac iyo Cabdi Xaashi Diiriye ayaa loosoo xulay jagadda guddoomiyaha, halka Xuseen Baniin iyo Aadan Cismaan Nuur loosoo xulay in ay qabtaan xilka guddoomiye ku xigeenka.

Heshiiska 27-dii May, 2021 ay caasimadda Muqdisho ku saxiixeen madaxda Soomaalida ayaa xeerinaya in maamul cusub loo magacaabo Garbahaarey oo kamid ah labada degaan doorasho ee dowladda Jubaland.

Qadiyadda gobolka Gedo oo ay wehliso qaabka Muqdisho loogu xulayo wakiiladda goboladda waqooyi ama Somaliland ayaa kamid ahayd arrimaha daahiyey qabsoomida doorashooyinka 2020-21 ee Soomaaliya.

Sida ay wararku sheegayaan, guddiga heerka wasiir ee loo saarey xalinta xiisadda gobolka Gedo ayaa maanta gaarey Kismaayo halkaasoo ay wadaxaajoodyo kula qaadanayaan mas'uuliyiinta maamul goboleedka.

Gudbinta liiska musharaxiinta maamulka Garbahaarey ayaa waxay kusoo aadeysa xilli ay soo dhow-dahay waqtiga loo qabtey in ay bilaabaneyso doorashadda kuraasta Aqalka Sarre oo ah 25-ka bisha Julaayo, 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM