MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah waxay ku dhawaaqdey in la guda galayo doorashooyinka dadban ee sanadka 2020-21 xilli uu khilaaf taagan yahay.
"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
Qoraalka ayaan lagu soo qaadin in wadahadalada ay qeyb ka ahaayeen madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka oo go'aankan muhiim u ahaa.
Go'aanka ay madaxdan ku shirtay Muqdisho isla qaateen ayaa ah in Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle ay qabtaan doorashooyinka xubnaha baarlamaanka.
Si lamid ah, waxay isla qaateen in xulista wakiilada maamulka Somaliland ee xubnaha labada aqal ee baarlamaanka federaalka lagu qabto magaaladda Muqdisho.
Qoor-qoor ayaa ku fashilmay waan-waan uu ka dhex-waday dowladda iyo maamulada Puntland iyo Jubaland kuwaas oo tabasho ka qaba qaabka fulinta heshiiskii siyaasadeed ee 17-kii September.
Rooble iyo Qoor-qoor oo kasoo muuqday muuqaal ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa difaacay go'aankan, waxayna sheegeen "in lagu dedaalay in aysan xirmin albaabada wadahadalka".
Si gaar ah, Qoor-qoor oo xusay in Deni iyo Axmed Madoobe u soo dhiibeen qodobo "xal u ah khilaafka jira" ayaa tibaaxay in aysan kasoo jawaabin falcelintii qodobadaas ee madaxda dowlada.
Qodobada la isku hayo ayaa kala ah; gudiyada doorashooyinka ee magacaaban oo Villa Soomaaliya faragelisay, habraaca xulista Xildhibaanada gobolada waqooyi, iyo ciidanka la geeyay gobolka Gedo, oo caqabad ku ah in Jubaland sidda maamulada kale u maamusho doorashooyinka xubnaha baarlamaanka ee halkaas ka dhacaya.
Farmaajo oo maalmihii lasoo dhaafay diidanaa in wadahadalo fool ka fool ah laga yeesho xalka qodobadan ayaa olole xoogan ugu jiray qabashada doorasho hal dhinac ah kana maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.
GAROWE ONLINE

