MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku tartarsiisay hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay deg-deg kusoo gabagabeeyaan is-faham-waaga ka taagan doorashooyinka 2020-21.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee safaaradda ayaa lagu caddeeyay ahmiyadda ay leedahay in coddeynta soo aadan ay noqoto mid nabdoon, lagu heshiiyey si uusan khilaaf uga imaan.

Bayaanka ayaa sidoo kale wuxuu ka digayaa geedi-u-socod doorashooyin oo is-bar-bar socda. Fariintan waxay u muuqataa mid ku socota Villa Soomaaliya oo qorsheyneysa in ay qabato doorashooyin hal dhinac.

"Waxaan ka dalbaneynaa @M_Farmaajo, @SaidAbdullahiDe, @Jubaland, @MrQoorqoor, @AliGuudlaawe, and @Laftagareen in ay xaliyaan arrimaha taagan si loo suurtageliyo doorashooyinka nabdoon ee dadka Soomaaliyeed u qalmaan. Ma jiri karaan doorashooyin hal dhinac ah ama geedi-u-socodyo is-barbar socda," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhawaqa Washington ayaa yimid xilli Beesha Caalamka ay Jimcada maanta ah taageero weyn u muujisay guddiyadii ay magacaabeen dowladaha Jubaland iyo Puntland si lamid ah shirkii ay ku baaqeen.

War-saxaafadeedka Beesha Caalamka ayaa sidoo kale waxaa meesha looga saarey in ay sharciyad heli heli doonto doorasho hal dhinac ah iyo geedi u socod doorashooyin oo si weyn isaga soo horjeeda.

Villa Soomaaliya ayaa u muuqaneysa mid iska-indha-tireysa dhamaan baaqyada isa soo taraya kana imaanaya dhinacyadda kala duwan, iyadda oo madaxweyne Farmaajo doonayo in uu kursigiisa si weyn u difaacdo.

GAROWE ONLINE