MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu si xooggan u cambaareynayo weerarkii madaafiicda loo adeegsaday ee maleyshiyadda Al-Shabaab ku qaadey xerada Xalane ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay UNSOM ayaa lagu sheegay in uusan waxyeelo kasoo gaarin dhisme ay leedahay Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

"Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta ee lixda madfac kuna dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho," ayaa lagu yiri qoraalka

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka. Ma jirin xarumo Qaramada Midoobey ay waxyeelo soo gaartay mana jiraan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo wax ku noqdeen hoobiyaasha".

"Waxaan cambaareynayaa weerarkan madaafiic ah ee Al-Shabaab ay ku qaadday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho," ayuu yiri Mudane Swan, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka.

Mr Swan ayaa la raaciyey: "Waxaan u rajeynaynaa caafimaad deg deg ah kuwa ku dhaawacmay weerarka garoonka diyaaradaha. In kasta oo ay jiraan falal noocaas oo kale ah oo rabshado wata, saaxiibbada Soomaaliya ee caalamiga ah waxay weli ku dadaalayaan inay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed, ayna sii wadaan taageerada horumarka dalka".

Dhanka kale, illo diblumaasiyeed ayaa u sheegay Garowe Online in saaxiibada caalamka Soomaaliya ay aad uga caroodeen xilliga weerarka kusoo beegmay oo ah iyaddoo shir ka dhacayo Teendhada Afasiyooni kaasoo xal loogu goobayo muranka doorashooyinka.

GAROWE ONLINE