MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladaha Puntland, Jubaland, Afhayeenka Aqalka Sare, iyo Midowga Musharaxiinta ayaa Khamiista maanta ah waxay ku dhawaaqeen Gole ay ku mideysan yihiin.
Isbaheysigan loo bixiyey Golaha Badbaada Qaranka ayaa la sheegay in ujeedkiisu yahay in dalka loo jiheeyo doorashooyin xasiloon, nabad ah isla markaana loo-wada-dhan-yahay.
Guddoonka golahan ayaa kala ah; Cabdi Xaashi oo guddoomiye ah, Sharif Sheekh Axmed, Axmed Maxamed Islaam iyo Saciid Cabdilaahi Maxamed Aw-nuur Saciid Deni.
Ku dhawaaqista Isbaheysigan ayaa waxay ka dambeysay markii dhinacyadda ay shirar gaar-gaar ah ku yeesheen magaala madaxda labadii todobaad ee aynu kasoo gudubnay.
Sidoo kale, waxay kusoo hagaageysaa iyadda oo lagu waddo in todobaadka soo aadan uu Muqdisho ka bilowdo wadahadalada xalka loogu goobayo is-mari-waaga doorashooyinka.
Saaxiibadda Caalamka ayaa soo qabanqaabiyey shirkaas oo ku qabsoomi doona Teendhada Afasiyooni halkaas oo la filayo in madaxda Soomaalida ay isku-hor-fadhiistaan.
Dhinacyada maanta shaaciyey isbaheysigan ayaa u muuqda kuwa codadkooda sii mideynaya kahor shirka Afasiyooni kaasoo guushiisa iyo guuldaradiisa ay muhiim u tahay mustaqbalka waddanka.
Ajendaha ugu weyn ee horyaala shirkaas la filayo in uu dhaco waa; in dalku aado doorasho lagu heshiiyey amni ahaan, farsamo ahaan iyo jadwalka lagu galayo si lamid ah fulinta natiijada kulanka.
GAROWE ONLINE







