MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo si wadajir ah u cambaareysay rabshadahii ka dhacay Muqdisho 25-kii April ayaa dhinacyada ku boorisay in ay is xakameeyaa wadahadalna ku dhameeyaan muranka doorashooyinka.
Diblumaasiyiinta waxay si gaar ah walwal uga muujiyeen kala qeybsanaanta ciidanka oo u kala jabay qaab qabiil. Go'aanka Midowga Afrika ugu kala dab-qaadayo saamileyda ayay soo dhaweeyeen.
"Saaxiibada caalamka waxay si adag u cambaareynayaan rabshadihii ka dhacay Muqdisho 25kii Abriil," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka.
War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Waxaan marar badan ka dignay in muddo kororsiga uu horseedi doono qalalaase siyaasadeed uuna wiiqi doono nabadda, xasilloonida iyo amniga Soomaaliya. Shaqaaqadii dhacday 25kii Abriil awgeed, ayaan waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, dib u billaabaan wadahadalka, kana fogaadaan ficillada halka dhinac ah ee sii hurin kara xaaladda".
"Waxaan si gaar ah uga welwelnay kala qeybsanaanta soo bexeysa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo u qaybsamaya qaab qabiil, taas oo wax u dhimaysa howshiisii koowaad ee ay ahayd la-dagaalanka Al Shabab iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed. In ciidamada amniga loo adeegsado xaqiijinta ujeedooyin siyaasadeed waa wax aan la aqbali karin," ayay ku dareen.
Qoraalka ayaa intaas la raaciyey: "Waxaan mar kale ku celinaynaa in heshiiskii 17kii Sebtember uu wali yahay hanaanka kaliya ee lagu heshiiyey ee doorashooyinka waxaana ku boorinaynaa saxiixayaashii heshiiskan inay si deg deg ah ugu laabtaan wada hadalada ku saleysan hanaankaas".
"Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu kusoo magacaabayo Ergey gaar ah waxaana ku boorineynaa in wakiilkan heerka sare ah uu yimaado magaalada Muqdisho isla markaana uu guda galo shaqadiisa sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxaan diyaar u nahay, haddii aynu nahay saaxiibada, in aan taageero u fidino Ergeygan, isla markaana aan sii wadno dadaallada aan isugu keeneyno dhinacyada," ayay xuseen.
Daneeyeyaasha ayaa tibaaxay: "Waxaan mar kale xaqiijineynaa xurmada aan u hayno gobanimada Soomaaliya, midnimadeeda, midnimadeeda dhuleed, iyo madax-bannaanideeda".
Warkan qoraalka ah waxaa ku saxiixnaa: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Spain, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.
Mowqifka Beesha Caalamka ayaa xoojinaya diidmada caalamiga ah ee ka dhanka ah muddo kororsiga maamulka Farmaajo iyo in waddanka uu u dareero doorashooyin daahfuran oo natiijadeeda kawada aqbali karo.
GAROWE ONLINE