MUQDISHO, Soomaaliya – Is-maan-dhaaf ayaa ka dhex-bilowday hogaanka milatariga Soomaaliyo iyo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, sidda uu wariyey barnaamijka Galka Baarista ee laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA.
Khilaafka ayaa, sida ku xusan warbixinta, si gaar ah wuxuu ugu dhaxeeyaa Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha milatariga Soomaaliya iyo Diomede Ndegeya, taliyaha ciidamada AMISOM.
Sida laga soo xigtay illo wareedyadda u dhuun-daloola qaddiyaddan, khilaafka ayaa wuxuu salka ku hayaa "howlgal 23-kii May bilowday oo muddo bil ah ka badan ka socdey gobolka Shabeellaha Dhexe uuna hogaan ka ahaa Odowaa".
Wada-shaqeyn iyo xirir la’aan ayaa xudun u ah xiisaddan oo wiiqdey howlgal milatariga Soomaaliya uu bishii lasoo dhaafay ka sameeyay gobolka Shabeellaha Dhexe kaasoo la doonayey in lagu soo afjaro Al-Shabaab.
"Cuqdad culus ayaa u dhaxeysa labadda taliye. Odowaa wuxuu doonayaa in uu muujiyo awoodiisa," ayuu yiri sarkaal magaciisa uga gaabsadey in uusan haysan idin ku saabsan in uu la hadlo saxaafada.
Sheegashada labada dhinac
Taliska AMISOM oo aan dafirin xasaraddan ayaa hogaanka ciidanka Soomaalida u eedeeyay "in uu isku kali-yeelay" howlgalka "kana gaabiyey la wareegida xerooyinka degaanada Buurane, Golooley iyo Ceel-baraf".
Hase ahaatee, afhayeenka milatariga Soomaaliya, Gaashaanle Sare Cali Xaashi Cabdinuur, ayaa beeniyey in uu khilaafka jiro iyo in ay heleen wargelin ku saabsan la wareegida saldhigyadaas ayna geeyaan ciidamo guur-guura.
"Aniga ma ogi wax muran ah. Waxaanse ogahay in ciidanka AMISOM ay xilli dambe ka qeyb-qaateen howlgalka Shabeellaha Dhexe waliba markii la weerarayey Xaaji Cali-fool-dheere, Qurux-madoobe iyo Waaraxley," ayuu xusay.
Isaga oo burinaya hadalka afhayeenka, gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Nuur Siidii, ayaa xaqiijiyey in AMISOM ay ciidanka Soomaalida ku wargelisay la wareegida xerooyinka degaanada Buurane, Golooley iyo Ceel-baraf".
Cawaaqibka murankan
Iyaddoo Odowaa uu diidey in uu wareysiyo ku sharaxo khilaafkan, haddana warqad uu u diray madaxa howlgalka AMISOM ayuu ku dhaliilay ciidamadooda, wuxuuna sheegay in ay "si caajis ah" u wajahaan Al-Shabaab.
Qoraalkiisa oo qeyb ka ahaa warqado ay is-dhaafsadeen dhankiisa AMISOM ayuu ku tibaaxay "in ay doonayaan in hawada biyo looga keeno oo ay xeryaha iska joogaan".
Is-maan-dhaafkan oo kusoo beegmay xilli bishii April ay talisyada ciidamadda Soomaaliya iyo AMISOM isku-raaceen in si wadajir ah u wada howlgalaan iyaddoo hogaanka xooga dalka leeyahay ayaa curyaamin kara qorshaha kala guurka.
Sidoo kale, wuxuu caqabad ku noqon karaan dedaaladda la doonayo in lagu sifeeyo maleyshiyadda Al-Shabaab, sida ay sheegeen mas’uuliyiin hore iyo falanqeeyeyaal, kuwaasoo ka walwalsan in si gaar ah u saameyso amniga doorashooyinka.
GAROWE ONLINE