MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii Is-miidaaminta ee saakay ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda.

Qaraxa waxaa fuliyay nin katirsan Al-Shabaab oo watey Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray, kaasoo beegsadey Isgoyska Ceel-Gaabta oo ku dhaw Koonataroolka laga galo Villa Soomaaliya.

Ninka shacabka ah ee ku geeriyoodey qaraxa waxaa kamid ah Hooyo iyo Caruur ay dhashay oo saarnaa Gaari nooca raaxada ah, kuwaasoo Isgoyska Ceel-Gaabta marayay xiliga qaraxa, sida booliska uu sheegay.

Sawirada iyo muuqaalada goobta laga soo qaadey ayaa muujinaya burbur xooggan iyo baabuur dab qabsadey, waxaana la xiray wadada mudo daqiiqado ah, oo la qaadayay dhaacwayda iyo meydadka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, waxayna sheegtay inay la beegsatay kolonyo ay la socdeen saraakiil katirsan dowladda, balse ma aysan sheegin inta ku dhimatay.

Waa qaraxii labaad tan iyo shalay oo ka dhacay Caasimadda dalka.

GAROWE ONLINE