KISMAAYO, Jubaland – Isku-dayadii fashilmay ee kooxda Farmaajo sameysay shantii sano ee lasoo dhaafay waxaa kamid ah in ay Kismaayo kasoo xiraan madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, ayaga oo adeegsanaya ciidanka Itoobiya.

Dhacdan oo la diiwaan-geliyey bartamihii 2019-kii waxaa dib uga sheekeeyey Cabdullaahi Maxamed Nuur (Nasri) oo sheegay in uu kamid ahaa shaqsiyaad kooban oo hay’ada sirdoon qaranka isku daydey in ay u adeegsato "burburinta" Jubaland.

Nasri oo u waramay Hanoolaato ayaa xaqiijiyey in Fahad Yaasiin Daahir, agaasimihii hore ee hay’adda NISA haddana ah lataliyaha amniga qaranka, uu Addis Ababa tagay maalin kahor inta ciidamada Itoobiya ka dagin magaaladda Kismaayo.

"Shirar ayaa la galay xan badan ayaa magaalada gashay. Laakiin, ujeedka ma uusan ahayn la qabto Axmed [Madoobe] laakiin waxay doonayeen in ay cadaadis ku saaraan in uu aqbalo awaamiirtooda," ayuu tibaaxay Nasri.

Wadahadalka wuxuu dhexmaray mas’uuliyiinta Jubaland iyo saraakiisha itoobiyaanka ee ka tirsan AMISOM maadaama diyaaradii siday ciidamada kumaandooska iyo hogaankooda loo diidey in ay soo caga-dhigtaan madaarka Kismaayo.

Sida laga soo xigtey Nasri oo bilooyin u xirnaa NISA, Fahad oo kaar qaliib, colaad hurin iyo dhaqaale u adeegsanayay fulinta damaciisa riditaanka Axmed Madoobe ama burburinta Jubaland ayaa Farmaajo wakiil uga ahaa qorshahahan gurracan.

"Nimanka Itoobiyaanka waxaa la socdey nin Soomaaliya oo Garre ah kuna jiray raggii [Baydhabo] ka qabtey Abuu Mansuur. Wasaaradda arrimaha dibada Itoobiya iyo hay’adda sirdoonka way isla ogaayeen qorshahan," ayuu xusay.

Maalintaas ciidamadda Itoobiya ay tageen Kismaayo, madaxwayne Axmed Madoobe ayuu caddeeyay in uu ka guuray Madaxtooyadda una wareegay dhisme ku yaala xeebta "halkaasoo aan ku jiray ku waardiyeynaynay".

"Waa dulmi haddii ciidamo ajnabi oo Itoobiyaan laguu soo adeegsado oo degaankaaga aad difaacan waydo duli baa tahay. Marka waxaa lagu dagaalamayey in doorashada la joojiyo ama Axmed la qabto," ayuu ka dhawaajiyey.

Isku-dayada kale ee kooxda Farmaajo sameysay waxaa kamid ahaa kala qeybinta Guddiga doorashada madaxweynaha Jubaland iyo abuurida xiisad iyo khalkhal amni.

"Wasiirkii amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, oo wax la waday kooxdan [Farmaajo] wuxuu qol kusoo xirtay laba kamid ah xubnaha guddiga doorashooyinka isaga oo ka damiyey telefoonada. Ujeedka wuxuu ahaa baajinta doorashada. Laakiin waa la ogaadey waxaana kasoo saarey odayaasha markii la aqbalay dalabkiisa ahaa in uu soo saarto Xildhibaano," ayuu hoosta ka xariiqay Nasri.

Mar kale ayuu yiri: "Mar waxaa jirtay uu isoo wacay Cabdullaahi Dheere [gacanta midig ee Fahad] iguna dhahay waxaa raadisaa laba nin oo min 50-kun doolar aan siino oo bam-gacmeed ku tuura xarumaha Isbedel-doonka, balse waxaan u sheegay in aysan jirin cid shaqadaas u qaban karta in aysan jirin".

Siyaasadda ay qaateen kooxda Farmaajo oo ahayd in ay marka hore bedelaan hogaanka maamuladda ayaa salka ku haysa in ay u boobaan kuraasta Xildhibaanada heer federaal si madaxwaynihii hore ugu suurtagasho in xukunka uu soo laabto.

GAROWE ONLINE