MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha lagu muransan yahay ee hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka ee magaceeda loosoo gaabiyo NISA, Yaasiin Farey, ayaa waxaa loo dhaariyay xubinimadda Aqalka Hoose.

Taliyaha ayaa la dhaariyey daqiqado ka hor inta aan la guda gelin Doorashada Hoggaanka Golaha Shacabka oo caawa ka dhaceysa Teendhada Afasiyooni ee ku dhex-taala xeradda Xalane.

Yaasiin oo badalay Fahad Yaasiin Daahir, gacanta midig ee Farmaajo, ayaan si rasmi ah u wareejin mas’uuliyadda hay'adda sirdoonka qaranka, iyadoo dhaarintiisa ay meesha ka saareyso shaqadii uu ka hayay mukhaabaraadka Soomaaliya.

Maamulka Farmaajo ayaa dhowr jeer wuxuu isku-dayay in uu baajiyo doorashadda guddoonka Golaha Shacabka balse dedaalo dhinacyo kala duwan ay sameeyeen wuxuu horseeday in ay qabsoonto coddeynta.

Xildhibaanadda laga soo doorto Koonfur Galbeed iyo saraakiisha NISA ee kamid noqdey Aqalka Hoose ayaa kahor inta aysan doorashadda bilaaban sameeyay buuq ayaga oo diidan xubnaha lagu doortey Ceelwaaq.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa kahor inta aysan doorashadda bilaaban wuxuu shaaca ka dhigay in 17 kamid ah mudaneyaasha ku sugan madasha aysan coddeyn doonin isaga oo aan raacin magaca iyo sababta.

Villa Soomaaliya ayaa olole badan waxay u gashay sidii Xildhibaanadda lagu doortey Ceelwaaq aysan ka qeybgeli doorashadda guddoonka golaha shacabka bedelkeedna ay tagaan xubno lagu doortey Garbahaarey.

GAROWE ONLINE