MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waa suudadka ay xiraan ku badalaan tuutaha ciidamadda si loo joojiyo xasuuqa Al-Shabaab ku hayso shacabka, sidda uu ku taliyey khabiir.
Cabdirashiid Xaashi Khaliif, agaasimihii hore ee Machadka Heritage, ayaa sheegay in talaabadan ay muhiim tahay in ay ka bilaabato mas'uuliyiinta ugu sareysa dalka gaar ahaan wasiiradda xukuumadda federaalka.
Khaliif oo qoraal kooban ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa rumeysan in arrintan ay mirodhal u noqon karto maamulka Xasan Sheekh Maxamuud "maadaama ay u shaqeysay Shariif Sheekh Axmed".
"Si loo joojiyo xasuuqa Al Shabaab iyo si looga hortago in Soomaaliya ay gacmahooda ku dhacdo [sida Taalibaan ee Kaabuul muddo aan fogayn] — dhammaan mas’uuliyiinta dawladda ee ka bilaabanaya wasiirrada waa in ay meesha ka saaraan suudka ayna qaataan tuutaha," ayuu yiri.
Falanqeeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas kusii daray: "Tani waxay u shaqeysay @HESharifShAhmed waxayna u shaqayn kartaa @HassanSMohamud".
Maalmo kooban oo "ka haray dabar-goyntooda"
Hadalka Xaashi ayaa kusoo aadaya xilli Al-Shabaab ay in ka badan 20 qof shacab ah ku laayeen degaanka Afar Irdood ee gobolka Hiiraan ka gadaal markii ay ku qaadeen weerar toos ah iyo qarax miino oo ay la eegteen.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay falkan ayaa carabka ku adkeeyay "in ay maalmo kooban ka hartey dabar-goynta xoogaga gacansaarka la leh argagixisadda Al-Qaacida".
"Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxan-darrada argagixisada bannaysatay dhiiggooda iyo maalkooda, waxaana rajeynayaa in ay adkeystaan oo aanay isdhiibin maalmahaan kooban ee ka haray dabar-goynta kooxdan sharwadeyaasha ah ee naf la caariga ah, aniga oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamadeenna halyeeyada ah ee dagaalka kula jira kooxdan fitnawadayaasha ah, dhabbaha kaliya ee looga adkaan karana waa isku duubni iyo inaan u midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada," ayuu tibaaxay, sidda laga soo xigtey Villa Soomaaliya.
Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socdey howlgalo saf-ballaaran oo ay hormuud ka yihiin dadka degaanka ee la baxay Macawiisley kuwaasoo dagaal ba'an la galay maleyshiyadda hubeysan.
Weerarka khasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay degaanka Afar Irdood ayaa daba socdey markii Al-Shabaab ay dib ula wareegtay tuuladda Ceel-Cade ee isla gobolka Hiiraan oo maalmo kahor ay qabsadeen Macawiisley.
GAROWE ONLINE