Nuxurka Khudbadihii Madaxda maamulada ka jeediyeen Aqalka Sare

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta ka qeyb-galay Kulanka Kulanka 15 aad Ee kala Fadhiga 2aad Ee Gollaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Gudomiye Ku xigeenka Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed "Bukhaari" oo Kulanka shir gudoominayay ayaa Warbixin la xiriirta shaqada Gollaha siiyay Madaxda martida u ahayd ee maamul goboleedyada.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas

Cabdiweli Gaas, Madaxweynaha Puntland oo ugu horeyay Madaxda hadashay, ayaa sheegay in Soomaaliya ay meel fiican u socotay, marka la eego horumarrada la gaaray iyo Hay'adaha la dhisay.

Madaxweyne Gaas ayaa xusay in dalka xilliga uu wajahayo khatar amni, oo hor-taagan in Soomaaliya hore u socoto, isagoo carabka ku dhuftay in ay soo baxda Koox ka khatar badan Al Shabaab oo ah Daacish.

Aqalka Sare ayuu sheegay in looga baahan yahay inuu kasoo dhalaalo kaalintiisa matalaadda maamul goboleedyada ee dowladda dhexe, islamarkaana ka shaqeeyaan in la isku-dheela tiro awoodaha dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare

Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo xigay ayaa mahadnaq kadib sheegay in heshiiskii lagu gaarey Shirkii Muqdisho uu ahaa mid meesha ka saarey mugdigii ku dhex-jiray dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada.

Aqalka sare ayuu ugu baaqay Madaxweyne Waare inay doorkooda ka qaataan dhamaystirka Dastuurka, oo uu sheegay in hadii aan la qabyo tirin aan laga bixi karin is-qab-qabsiga iyo khilaafaadka soo laab-laabta.

Madaxweyne HirShabeelle ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo Maxkamada Dastuuriga, si u kala saarto Madaxda dalka markii la isku qabto arrimo qaanuunka ku saabsan, loogu kala baxo.

Madaxweyne Shariif Xasan

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna khudbad ka jeediyay Aqalka Sare maanta, isagoo kamid ahaa shanta Madaxweyne ee lagu casuumay kulanka.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa aad uga hadlay arrimaha Federaalka, oo uu sheegay in dad badan ay u arkaan inuusan u wanaagsanayn dalka iyo dadka qaar.

Wuxuu xusay in haddii Federaalka la fashiliyo aysan jirin si kale oo Soomaalida isku-aaminto, islamarkaana dalka looga saari karo dhibaatooyinka uu ku jiro.

Madaxweyne Axmed Madoobe

Axmed Madoobe wuxuu isna ka hadlay Federaalka, oo inta badan Madaxweniyaashii ka horeeyay aad u dul-istaageen, kuwaasi oo dhamaan isku raacay in nimaadka Federaalka uu yahay xal kaliya Soomaalida la isagu soo celin karo.

Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa ku booriyay Xubanaha Aqalka Sare inay ka hortagaan qabyaalada islamarkaana dhaqan-geliyeen ku dhaqanka sharciga dalka.

Xaaf ayaa ka codsaday Aqalka Sare inay joojiyaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkiisa ay ku shirinayaan Muqdisho, isagoo dhanka kale ka codsaday inay qeyb ka qaataan deminta colaadda Mudug, gaar ahaan Gaalkacyo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo baahiyay Muuqaalka Weerarada Cirka ee Mareykanka Ka Fuliyay Puntland

Madaxweyne Trump ayaa sheegay sabtidii in duqeynta lagu beegsanayay "Qorsheeyaha Weerarrada Daacish iyo xubno kale oo uu hogaaminayay."

  • Soomaliya

    04-02-2025

  • 08:23AM

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM