Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – In ka badan 110 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe. Xildhibaanadani waxay ku eedeeyeen Guddoomiyaha inuu xannibay fadhiyada Baarlamaanka iyo inuu ku xad-gudbay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Eedaymahan ayaa ka dambeeyay kadib markii Guddoomiyaha Aadan Madoobe uu ku guuldareystay inuu furo kulanka Baarlamaanka, taas oo ay xildhibaanadu sheegeen inay tahay tallaabo aan la aqbali karin. Sidoo kale, mooshinka ayaa si gaar ah ugu eedeeyay Guddoomiyaha inuu si aan habboonayn u erYay xildhibaan Abdullahi Abib, kaas oo laga qaaday xubinnimadiisa Baarlamaanka, isagoo aan ku saleysneyn habraaca sharciga ee Gollaha shacabka.

Xildhibaanada soo saaray mooshinka ayaa sheegay in Guddoomiyaha Madoobe uu ku guuldareystay inuu u adeego danta guud, isla markaana uu ku socdo dariiq aan waafaqsanayn nidaamka iyo sharciyada Baarlamaanka. Waxa ay sidoo kale ku andacoonayaan in go'aanka uu ku khasbay xildhibaan Abdullahi Abib uu yahay mid ka hor imaanaya dastuurka dalka iyo xuquuqda xildhibaanada.

Isagoo ka hadlayay mooshinka, Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed (Muudey) oo ka mid ah xildhibaanada ku taageeray mooshinka ayaa sheegay: "Guddoomiyaha Aadan Madoobe wuxuu si cad u xannibay shaqada Golaha Shacabka, waxaana uu sameeyay falal aan la aqbali karin oo ka hor imaanaya Dastuurka dalka. Waxaan ka dalbanaynaa in tallaabo degdeg ah laga qaado."

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay, waxaana uu ka gaabsaday inuu warbixin rasmi ah ka bixiyo sababaha keentay in uu ka fogaado furitaanka kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka.

Mooshinkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisado siyaasadeed ay ka jiraan gudaha Soomaaliya, iyadoo xildhibaanada qaar ay muujiyeen rabitaanka in la xoojiyo madaxbannaanida Baarlamaanka iyo in la xaqiijiyo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu si hufan ugu shaqeeyo danta shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa la filayaa in mooshinkan uu furo dood adag oo ay yeelan doonaan xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo arrintan xilka qaadista Aadan Madoobe oo aad ugu dhaw Xasan Sheekh ay sii adkayn karto xaaladda siyaasadeed ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Maxay tahay Casuumaadda uu Putin usoo diray Xasan Sheekh?

Safarada Xasan Sheekh ee dibadda ayaa noqday kuwii ugu badnaa oo Madaxweyne Soomaaliyeed sameeyo mudada uu xafiiska joogo.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 07:40AM