Puntland oo Galmudug ku eedeysay dagaalka ka qarxay Mudug

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka Arrimaha Gudaha dawladda Puntland, Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa ku eedeeyay maamulka Galmudug dagaalka ka billowday shalay Tuulada Af-Barwaaqo iyo degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, kaasi oo u dhaxeeya laba malleeshiyo beeleed.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaalka uu qarxay kadib markii ay ciidamada katirsan Galmudug weerar kusoo qaadeen degmada, oo maamul ahaan katirsan Puntland.

"Waxaan halkan baaq uga dirayaa mas'uuliyiinta Galmudug oo ku aadan ina la joojiyo dagaalka ka socda magaaladda Towfiiq ee Puntland, oo ku bollowday weerar ay soo qaadeen ciidamo katirsan maamulka Galmudug," ayuu yiri Dhabancad.

Dhabanbcad ayaa wax laga xumaaday ku tilmaamay in xilligan dagaal sokeeye la huriyo, islamarkaana la diidyo dhiig Soomaaliyeed, isagoo ku baaqey in laga shaqeeyo nabadda, oo mudo laga soo shaqeynayay adkeynteeda iyo joogteynteeda.

"Aad iyo aad baan uga xunnahay xilligan aynu maanta mareyno in dadku wali ay u ciil-qabeen in la adeegsado baabuur waaweyn, oo dad ehel ah iyo maamul deris ah la isku laayo," ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka.

Dagaalka Af-Barwaaqo ayaa u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, iyadoo illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof oo labada dhinac ah, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta gobolka Mudug.

Degaanka uu dagaalka ka socdo oo qiyaastii 167-KM Koonfur Bari u jira Gaalkacyo ayaa ah halka laga soo doortay gudoomiye ku xigeenka Gollaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cawad.

Dawladda Federaalka ayaa maanta baaq nabadeed kasoo saartey colaadda, iyadoo ku boorisay labada maamul iyo odayaasha degaanka inay ka shaqeeyaan joojinta dagaalka.

Baaqa DFS - War-Saxaafadeed

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM