Qarax culus oo ka dhacay Saldhigga magaalada Boosaaso

Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa maanta salaadiii duhur kadib waxa uu ka dhacay nawaaxiga saldhigga ciidamada Booliska magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari.

Sarkaal katirsan Booliska ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay qaraxa, oo uu sheegay inuu ka dhashay walxo qarxa oo lagu soo raray gaari-gacan, oo watay nin doonayay inuu weeraro saldhigga.

Ciidamada ayaa kahor tagey qaraxaasi, oo ku joojiyay gaari-gacanka inta uusan soo gaarey albaabka saldhigga, oo xilligaasi ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo Askar badan, sida ay sheegeen Goob-joogiyaal.

Saraakiilka ayaa tilmaamay in qaraxa uu ku dhintay oo kaliya qofkii watay, islamarkaana aysan jirin dad kale oo wax ku noqday. Waxaa socda hadda baaritaanno, iyadoo heegan sare la geliyay ciidamada.

Sawirro laga soo qaadey goobta, ayaa waxay muujinayaan meydka nin la sheegay inuu wadey gaari-gacanka walxaha qarxa saarnaa, kaasi oo wali la ogeyn cida uu katirsan yahay iyo halka uu ka yimid.

Boosaaso oo ah magaalada ganacsiga Puntland, ayaa waxaa la dagay falal amni darro, iyo qaraxyo ka dhacayay mudooyinkii dambe, kuwaasi oo qaarkood mas'uuliyadoodu sheegatay Kooxda Daacish.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM