Qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino ayaa ka dhacay saakay magaaladda Muqdisho xili dowladda ay ku gaabisay mas'uuliyadda amniga dalka.

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo ka dhacay xaafadda Ceel-Qalow oo katirsan degmada Wadajir, iyadoo wararka ay sheegayaan in goobya wax ka dhaceen lagu qaado Canshuurta baabuurta.

Lama oga cida jidka gelisay miinada, balse waxaa lagu eedeeyay Al-Shabaab oo weerarada noocan ah ka fulisa Caasimadda iyo gobollada kale ee dalka, si ay u wiiqdo awoodda dowladda Beesha caalamka aqoonsan yahay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Maanta inay weerar hoobiye ku qaadey saldhiga Ciidanka Kenya ee degaanka Kudhaa, oo kamid ah Jubbada Hoose, waxayna ku riday ugu yaraan 50 gantaal.

Xaaladda amniga ee Soomaaliya ayaa ah mid jilicsan, oo xili walba falal lidi ku ah xasiloonida ay ka dhacaayan, iyadoo dalka isku diyaarinaya doorashada Gollaha Shacabka, oo 11 goobood loo qorsheeyay inay ka dhacaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo gacanta ku dhigtay gaadiid dagaal iyo askar taabacsan dowladda Soomaaliya

Xiisadda u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Puntland ee la xiriirta maamulka ciidamada iyo arrimaha amniga ayaa weli taagan.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 05:54AM

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM