Qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino ayaa ka dhacay saakay magaaladda Muqdisho xili dowladda ay ku gaabisay mas'uuliyadda amniga dalka.

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo ka dhacay xaafadda Ceel-Qalow oo katirsan degmada Wadajir, iyadoo wararka ay sheegayaan in goobya wax ka dhaceen lagu qaado Canshuurta baabuurta.

Lama oga cida jidka gelisay miinada, balse waxaa lagu eedeeyay Al-Shabaab oo weerarada noocan ah ka fulisa Caasimadda iyo gobollada kale ee dalka, si ay u wiiqdo awoodda dowladda Beesha caalamka aqoonsan yahay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Maanta inay weerar hoobiye ku qaadey saldhiga Ciidanka Kenya ee degaanka Kudhaa, oo kamid ah Jubbada Hoose, waxayna ku riday ugu yaraan 50 gantaal.

Xaaladda amniga ee Soomaaliya ayaa ah mid jilicsan, oo xili walba falal lidi ku ah xasiloonida ay ka dhacaayan, iyadoo dalka isku diyaarinaya doorashada Gollaha Shacabka, oo 11 goobood loo qorsheeyay inay ka dhacaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo dilay in Ka badan 40 Xubnood oo ka Tirsan Al-Shabaab

Dowlada Maraykanka ayaa sidoo kale si joogto ah weeraro uga fulisa meelo ka mid ah Soomaaliya, si ay u baabi'iyaan goobaha Al-Shabaab ay ku leeyihiin.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 11:03AM

Itoobiya oo Horumar Ka Sameeyay Wadahadallada Helitaanka Dekedda

Tani waa horumar weyn oo lagu gaarayo xal waara oo ku saabsan rabitaanka Itoobiya ee helitaanka dekedda.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 07:21AM