Qarax ka dhacay Xarunta Tababarka Booliska Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay gudaha xerada tababarka Booliska Soomaaliya ee Jeneraal Kaahiye oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Nin isku soo xiray walxaha qarxa, islamarkaana ku lebisnaa dareeska ciidamada ayaa isku qarxiyay gudaha xarunta xilli Askarta ay samaynayaan gaardi ka ciyaar ay ugu diyaargaroobayeen xuska aas-aaska Booliska Soomaaliya oo ku beegan 20-ka December.

"Ciidamada safaf dhaadheer ayay jireen xilliga qaraxa waxayna isku diyaarinayeen xuska 20-ka December," ayuu yiri Capt Mahad Cisman oo kamid ah Saraakiisha booliska goobta ku sugnaa.

Qaraxa waxaa uu ahaa mid aad u culus oo dhawaqiisa laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan sida ninka is qarxiyay ugu suurta gashay inuu gudaha galo.

Saraakiisha ayaa sheegay in ku dhawaad 20 Boolis ah ay ku dhaawacmeen weerarka, kaasi oo mas'uuliyadiishu sheegatay Al Shabaab.

Kooxda Al Shabaab waxay sheegtay in ugu 27 Askari oo boolis ah inay ku dishay qaraxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM