Qorshe Soomaaliya looga badalayo habka 4.5 oo lasoo bandhigay

Image
Qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa aad uga cabta nidaamka ay burburkii kadib Soomaalidu ku qeybsato awoodaha dowladda.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bixiyey wareysigii ugu horeeyey ayaa shaaciyey in dowladiisa ay u qorsheysan tahay in laga gudbo nidaamka ay hadda beelaha Soomaaliyeed wax ku qeybsadaan ee 4.5 ka.

Xasan ayaa VOA-da u sheegay in sanadihii uu ahaa madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya la sameeyey nidaam looga gudbi karo awood qeybsiga beelaha Soomaalida ee 4.5 iyo doorasho dadban, balse aan la dhaqan gelin.

"2017-kii markii aan xukunka ka degay, waxyaabihii aan Madaxweyne Farmaajo ku wareejiyey waxaa ka mid ahaa qorshe looga gudbayo nidaamkaan 4.5 iyo doorashada dadban, laakiin qorshahaas lama dhaqan gelin sababo badan awgood, welina waa yaallaa, hadda dib u eegis ayaan ku samey doonaa, waana dhaqan gelayaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in beelaha Soomaaliyeed qaar aysan jecleyn sida hadda awoodaha loogu qeybiyo ee 4.5, isagoo balan qaaday in qorshe nidaamkaas looga gudabayo ay la imaa doonaan markii uu dhameysto mudo xileedkiisa 2026-ka.

"Nidaamkaas inuu dalka ku soo noqdo ma jeclin hadii Alle yiraahdo, markii waqtigeenu dhamaado 2026-ka, waxaan la imaa doonaa nidaam doorasho oo dadku isku raacsan yahay oo doorashada dadban ka duwan ayaan la imaa doonaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynuhu wareysigaan wuxuu ku sharaxay qorshaha dowladiisa ee 100-ka Maalmood ee u horeysa iyo howlaha hortabinta leh dowladnimada uu hoggaaminayo ee Soomaaliya.

"Waxaa rabnaa 100-ka Maalmood gudahood in aan dib u eegis ku sameynay hay’addaha amniga, sharciyadooda oo aad u gaboobay” ayuu Yiri Xasan Sheekh oo sheegay oo hadalkiisa raaciyay. "Waxaa rabnaa in aan sameyno heshiis guud oo dowlada iyo dowlad goboleedyada dhexmara oo lagu federaaleynayo arrimaha muhiimka ah".

Wuxuu xusay: "Si amniga magaalada Muqdisho aan u xaqiijino waxaan rabnaa inay amni noqotaan gobollada Shabeellooyinka, srrimaha amniga cidkasta oo naga saacideysana waan soo dhoweynaynaa".

Qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa aad uga cabta nidaamka ay burburkii kadib Soomaalidu ku qeybsato awoodaha dowladda ee 4.5, taas waxaa barbar socday doorashooyin aad loo nacay musuqa iyo awood sheegashada ka dhex jirta, balse hadda Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar labaad fursad u helay inuu ku soo laabto xukunka ayaa balan qaaday inuu dalka ka gudbi doono 4.5 iyo doorasho dadban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM