Rooble: Anigu waxa aan ka diiday Farmaajo, Xasan Sheekh kama aqbalayo

Image

SOUTH AFRICA - Maxamed Xuseen Rooble, oo dalka Ra'iisul Wasaare kasoo noqday 2020-2022 ayaa ka hadlay is-hortaag ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku sameysay safarkiisa South Africa iyo arrimo kale oo nidaamka doorashadda uu wato Xasan Sheekh ay ku jiraan.

Isagoo la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa, ayuu Rooble sheegay in aan loo aqbali karin doorasho aan loo dhamayn, islamrkaana aan heshiis lagu ahayn dhamaan dhinacyada saamileyda siyaasadda dalka.

Rooble ayaa tilmaamay in doorashooyinka dalka ee mustaqbalka ay tahay in ay noqdaan kuwo loo wada dhan yahay oo waqtigooda ku dhacda, taas oo ka dhigan in la helo nidaam siyaasadeed oo heshiis lagu yahay iyo dowlad shacabka ka turjumaysa.

"Anigu waxa aan ka diiday Farmaajo, Xasan Sheekhna kama aqbalayno," ayuu yiri Rooble.

Wuxuu sheegay in madaxda dowladda iyo dowlad-goboleedyada ay mararka qaar u muuqdaan kuwo ka shaqeynaya danahooda gaarka ah, halkii ay ka ilaalin lahaayeen danta guud. Rooble ayaa muujiyay inuu ku jiro damac ah inuu xilka Madaxweynaha u tartamo doorashadda soo socota.

Marka laga hadlayo doorashada madaxtinimo ee soo socota, Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa wuxuu wax-qabad ka dhiganayaa inuu dalka doorashadiisa badbaadiyay 2022, oo dagaal la galay Farmaajo oo xiligaas isku dayay labo sano inuu ku darsado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay salka ku haysaa booqashada Xasan Sheekh ee dalka Libya?

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Tripoli, waxa uu kulan la qaadan doonaa Hoggaamiyaha Golaha Sare.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 08:31AM

Dowladda Soomaaliya oo u ogolaatay Itoobiya inay qeyb ka noqoto AUSSOM

Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 07:11PM