Maxay salka ku haysaa booqashada Xasan Sheekh ee dalka Libya?

Image

TRIPOLI - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli, ku soo dhaweeyey madaxda sare ee dowladda Liibiya, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalkan sida ay uga go'an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Tripoli, waxa uu kulan la qaadan doonaa Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkan Mudane Maxamed Al-Manfi oo ay ka wada hadlayaan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsanaya horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la daggaallanka tahriibta iyo dhammaystirka soo celinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ay ku wajahayaan xabsiyada dalkaas.

Source: Villa Somalia

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM