Ciidamada Difaaca Puntland oo Helay Xabaalo Daacish ku aastay hogaamiyaasha laga dilay

Image

CAL-MISKAAD, Puntland – Ciidamada Difaaca Puntland ayaa ka helay xabal-wadareed buuraha Cal-Miskaad, kuwaasoo lagu aasey hoggaamiyayaasha sare ee ISIS, kuwaas oo ku dhintay intii lagu guda jiray howlgallada militeri.

Sida ay sheegayaan saraakiisha, dhowr meyd ayaa la helay, iyadoo tani muujinayo in Kooxda Daacish dad badan uga dhinteen dagaalka socda, waxaana la rumeysan yahay in xubno iyo hogaamiyaal ajnabi ah ay ku dhinteen duqeymaha cirka.

Trump ayaa sheegay in 1-dii bishan diyaarad kasoo duushay Markab fadhiya Badda Cas ay duqeysay godadka Daacish ee Calmiskaad, halkaasoo lagu dilay 14 xubnood oo uu ku jiro Axmed Milaniini, oo Mareykanka doon-doonayay, maadaama uu qaabilsanaa weerarada dalalka reer galbeedka.

Ciidamada la dagaalanka Argagixisada Puntland ayaa sheegay inay la wareegeen saldhigyo muhiim ah oo ay ku jiraan talisyo, keyd hub iyo godad ay ku dhuuman jiraan hogaamiyaasha Daacish. Maalintii shalay,  Ciidanka Puntland ayaa la wareegay Curaar oo ku taalla meel u dhaw GaatirOodan, markii u horeysay mid kamid ah goobihii ugu muhiimsanaa ee Argagixisada haysatay.

Waxay ahayd difaacii ugu ballaarnaa, marka laga reebo Dhasaan ilaa Miiraale, oo horey gacanta loogu dhigay.

Inkastoo tirada saxda ah ee xubnaha ISIS ee ku dhintay aan la xaqiijin, ayaa la aaminsan yahay in tiro badan oo ka tirsan kooxda ay ku dhinteen duqeymo cirka ah oo ay fulisay Taliska Afrika ee Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta. Dagaallada dhulka ayaa sidoo kale noqday kuwo aad u culus.

Sidoo kale, ciidamadu waxay qabteen dhowr gaari iyo mootooyin oo la burburiyay duqeymaha cirka, waxaana la aaminsan yahay in argagixisadu qorsheynayeen in ay u adeegsadaan gaadiidkan weeraro lagu qaaday saldhigyada milateriga iyo goobaha muhiimka ah ee ciidamada hortiisa.

"Ciidamada Ka-hortagga Argagixisada Puntland waxay heleen qaar ka mid ah gawaarida iyo mootooyinka ay leeyihiin argagixisada ISIS, kuwaas oo lagu burburiyay duqeymaha cirka ee ka dhacay Almiskat. Gawaaridan iyo mootooyinkan ayay qorsheynayeen in ay ku weeraraan Ciidamada, laakiin waxaa lagu burburiyay duqeymahaas."

Howlgallada ayaa sii socda, iyadoo Puntland ay ka codsanayso saaxiibada Caalamka taageero joogto ah. Xubno ka tirsan ISIS ayaa isku dayaya in ay dhistaan saldhigyo waaweyn gudaha Soomaaliya, balse isku dayadaas waxay la kulmeen iska caabin adag oo ka imanaya ciidamada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo beenisay inay diiday taageeradda dowladda Soomaaliya ee dagaalka ISIS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka maqneyd dhacdooyinkaas, iyadoo kaliya dib u hurinaysa khilaafaadka siyaasadeed ee Puntland.

  • Puntland

    22-02-2025

  • 09:39AM

Ajnabiga oo laga mamnuucay inay si sharci-darro ah ku galaan Puntland

Maalmahan dambe, boqolaal Itoobiyaan ah ayaa lagu xiray magaalooyinka waaweyn ee dowlad goboleedka Puntland.

  • Puntland

    20-02-2025

  • 09:11AM