MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiyaha Hay'ada Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka, Garyaqaan Cabdullaahi Maxamed Jimcaale oo war-fidiyeenka kula hadlay Muqdisho, ayaa "fariin furan u diray ra'iisul wasaaraha".

Mr Jimcaale oo sidoo kale dhaleeceyn kala dul-dhacay ra'iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa uga digay wasiirka koowaad ee haatan jira in uu dib u maro waddo sharci darro ah oo mas'uulkii ka horeeyay jeexay.

Khayre ayuu ku eedeeyay in uu si aan sharci ahayn ku dhisay isla markaana miisaaniyad ugu qoray Wasaarada Maareynta iyo Musiibooyinka.

Rooble ayuu ku waaniyey in uusan kusoo darin liiska Wasaaradaha lagu waddo in uu dhowaan u soo magacaabo Wasiiradda cusub kadib eryidii Khayre.

"Hadii aan sharciga iyo dastuurka lagu dhaqmin, waxaa ka dhalaneysa in la aamni waayo shuruucda u taala waddanka," ayuu ka sheegay shirka jaraa'id.

Isagoo cuskanaya xaaladaha abaareed ee jiray waqtigaas, Khayre oo haatan murashax u ah tartanka madaxtinimada ee soo aadan ayaa yagleelay Wasaaraddaas oo meesha ka saartay Hay'adda uu leeliyo Garyaqaanka.

Wallow ay magac ahaan u jirtay, haddana Wasaaradda waxay si toos ah u hoos-tageysay xafiiska Khayre marka loo eego arrimihii ay maareysay oo uu kamid yahay qaraxii dadka badan galaaftay ee Zoobe iyo mashruucyo kale.

Maryan Qaasim Axmed oo dhidibada loogu taagay Wasaaradda ayaa November 15-keeda sanadkii 2017 waxay baneysay jagadan. Sababaha ay shaqada uga tegtay waxaa kamid ah faragelin lagu hayey howlaha wasaarada.

Xamza Saciid Xamza oo degaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed ayaa sii-haaye ka ah Wasaaradda, mana la ogga hadii dib loosoo celinayo.

Hay'adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka oo tan iyo dhismihii Wasaaradaas weyday miisaaniyadeeda ayaa lagu aas-aasay sharci kasoo baxay baarlamaanka isla markaana uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE