Rooble oo guddoomay casuumaad uu ka helay Kenyatta

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Axada maanta ah wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo.

Qoraal kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu xaqiijiyey in ay "ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya".

"Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata," ayaa la raaciyey bayaanka.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, "Labada Dal ee Kenya iyo Soomaaliya waa laba dal oo deris oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha".

"Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada," ayaa lagu soo xiray.

Garowe Online ayaa fahansan in Rooble uu Nairobi u socdaali doono Talaadada todobaadkan isla markaana uu halkaas wadahadalo kula yeelan doono Kenyatta iyo madx kale oo waddankaas ka tirsan.

Martiqaadkan ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Farmaajo uu xalay soo saarey wareegto uu xukuumadda uga mamnuucayo in ay gasho heshiisyo ama is-afgaradyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Soomaaliya ku hogaaminayo burbur iyo kala-qeybsanaan 

Warqadda uu soo saaray ayaa si cad uga digtay khataraha soo wajahayso dalka, gaar ahaan daciifnimada midnimada qaran.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 06:28AM

Siyaasiyiinta Mucaaradka Soomaaliya oo Shir Ka Bilaabay Muqdisho – Maxaa Laga Filayaa?

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in shirka diiradda lagu saarayo ka jawaabista qorshaha…

  • Soomaliya

    23-05-2025

  • 08:27PM