RW Cumar Sharmaarke: PEC sharciyad ma haysato

Image

GAROWE, Soomaaliya - Ra'iisul wasaarihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ku tilmaamay Jadwalka muddo kororsiga ee madaxweyne Deni mid sharci darro ah.

"Su'aashu waxay tahay hadii PEC aysan Sharciyad u haysan kordhinta mudada xilhaynta Dastuuriga ah ee madaxda Puntland. Tan waa mid la rabo in looga xeeladaysto 08 Jan laguna sii dheeraysto".

Guddiga kumeel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ee lagu muran-san yahay kaasi oo aysan xubno ka ahayn Mideeye, Horseed iyo Shaqaalaha ayaa caawa soo saaray waxa uu ugu yeeray jadwalka Doorashada.

Dhawaan ayay ahayd markii ururada Sincad, Ifiye iyo Mustaqbal ay soo saareen in aan Doorashada Madaxtinimada Puntland aan lagu geli karin Qof iyo Cod.

Guddiga lagu muran-san yahay ee Doorashooyinka ayaa horey loogu tilmaamay mid hal dhinac ah oo u badan ururka KAAH gudoomiyahiisuna uu yahay Gudoomiye xigeenkii KAAH, Fu'aad Abshir Adeer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya oo Xoogga Lagu Saarayo Wadahadallo Ka Furmay Turkiga

Dhinaca kale, warbixinnada ayaa sheegaya in wadahadalladan lagu soo gabagabeeyey heshiisyo muhiim ah oo ku saabsan.

  • Soomaliya

    19-02-2025

  • 06:59AM

Maxaa kasoo baxay Shirka Soomaaliya iyo Itoobiya ku yeesheen Ankara?

Madaxweyne Erdogan ayaa ku guuleystay inuu heshiis dhex dhigo labada dal, oo mudo sanad ku dhaw isku hayay heshiiska Badda.

  • Soomaliya

    18-02-2025

  • 03:20PM