Senator Abshir Bukhaari oo wax ku dayasho mudan ka sameeyay Cadaado

Image
Image
Image
Image
Image

CADAADO - Senator Abshir Bukhaari, oo ah Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maktabada ka furey magaalada Cadaado 11-kii bishan August.

Maktabadda Guud ee Cadaado [Adado Public Library] waxaa la daah-furay maalintii sabtida ahayd ee lasoo dhaafay, iyadoo xafladda ay ka qeyb galeen mas'uuliyiin katirsan Galmudug iyo kana degmada.

Buugaag kala duwan ayaa la dhigay Maktabadda oo aad loo qalabeeyay, waxaana ay fursad u siinaysaa dadka wax akhriya ee ku nool Cadaado inay helaan madal ay aqoon iyo macluumaad ka korarsadaan.

Abshir Bukhaar oo ah Senator laga soo doortay Cadaado ayaa waxa uu sidoo kale magaaladaasi ka hirgeliyay Dugsiga House-Dhexe ee Maandeeq kaas oo sannad iyo bar kahor uu ka furay Degmada.

Iskuulkan ayaa waxa uu Mudane Abshir Bukhaari ugu tala-galay ubadka qoysaska saboolka ah ee ku nool degmada, kuwaasoo aan awoodin inay caruurtooda ka bixiyaan kharashka Iskuuladda gaarka loo leeyahay.

Dad badan ayaa bogaadiyay tallaabadan uu qaadey Gudoomiye Abshir Bukhaari, taasoo dhabbe ku dayasho mudan u ah Xildhibaanada labada aqal ee BFS, oo wax adeeg bulsho ah ka fulin degaanadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM