Somalia: Is-rasaaseyn ka dhacday Muqdishu
MUQDISHU, Somalia- Saddex ruux, oo uu kamid yahay Wariye ka howlgala Idaacadda Shabelle ayaa maanta ku dhaawacmay Israsaaseyn ciidamo ka wadatirsan dowladda Somalia ku dhexmartay magaalada Muqdishu.
Gacan ka hadalkan ayaa yimid kadib markii ciidamo kawada tirsan dowladda Somalia isku maan-dhaafeen burburinta goobo Ganacsi iyo Guryo si sharci darro ah looga dhisay hareeraha Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon.
Wariye Mahad Maxamed Mutawakil, oo Wardoone u ah Radio Shabelle, gabar shaah ku iibisa Maqaaxi goobta ku taalla iyo Nin kale oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay Israsaaseyn dhexmartay ciidamada.
Mas'uuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir, oo uu kamid yahay Gudoomiyaha degmada Hodon ayaa kala dhexgalay ciidamada dirirta dhex-martay, waxaana la joojiyay howlaha burburinta dhismooyinka shardi darrada ah.
Dagaalka ayaa hakad geliyay howlaha ganasiga iyo isticmaalka wadada Tarabuunka, oo kamid ah Isgoysyada ugu mashquulka badan magaalada Muqdishu, ee caasumadda dalka Soomaaliya.
Israsaaseynta noocan ah ayaa inta badan ku dhexmarta ciidanka dowladda Somalia gudaha magaalada Muqdishu, xilliyada la duminayo dhismayaasha, taasoo inta badan salka ku haysa arrimo qoys iyo in ciidamada qaybtood ehel yihiin dadka wax laga duminayo.
GAROWEONLINE