Soomaaliya: Al Shabaab oo weerartay deegaanka Moqokori

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Wararka ka imaanaya deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaas ku sugnaa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalkaas, waxaana Shabaab baahisay inay la wareegeen gacan ku haynta Moqokori.

Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin balse saraakiil ciidan iyo dad shacab ah ayaa wariyay inaan la heli karin xaqiiqada weerarkaas maadama ay hawada ka maqantahay is-gaarsiintu. 

Weerarka ayaa dhacay galabta goor gaaban, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ciidanku aadeen dhinaca Buulo-burde.

Lama oga khasaaraha dagaalkaas, balse waxaa la xaqiijiyay in mallayshiyaad hubaysan labo jiho kasoo weerareen saldhigyo ciidamadu ku lahaayeen deegaankaas.

Moqokori ayaa gacanta dowladda Soomaaliya soo gashay dhawaan kadib markii laga saaray kooxda Al Shabaab oo muddo sannad ah gacanta ku haysay.

Deegaanka ayaa muhiim u ah gobolka Hiiraan, wuxuuna ku xiraa gobolka Shabeellaha dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM