Soomaaliya: La Taliyaha Amniga ee hawlgabka ah

Image

MUQDISHO, (GO) - Intiinii xusuusata, dikreetadii ugu horeysay ee uu qof ku magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii dib loosoo doortay waxa ku qornaa magaca Xuseen Macalin, La Taliyaha Amniga Qaranka.

Waaba sida ay tahaye, waxaa loo haystay in amnigu yahay kan ugu muhiimsan ee uu madaxweynaha xoogga saari doono, waana midda labaade waxaa kale oo loo arkayay in shaqsiga uu u dhiibay oo ah Xuseen Macalin uu yahay mid kalsooni aad ah uu ku qabay madaxweynaha, islamarkaasna rumeysnaa in uu keeni doono xal ka badan inta uu abuuri karo mashaakilaad dheeraad ah oo xalkooda madaxweynaha looga fadhiyo.

Seddex bilood kadib intii xilka loo magacaabay, xog uruurin ay samaysay Garowe Online waxa ay muujinaysaa in Xuseen Macalin uu mashaakil badan u abuuray Xasan Sheekh, illaa heer dalalkii dariska qaarkood ay dib uga fiirsadaan wada shaqaynta amniga ee ay la lahaayeen dowladda Soomaaliya.

Xaaladda xafiiska Amniga Qaranka maalinba meel ayay soo joogtay, maanta waxa ay soo gaartay heerkii ugu darnaa oo Xuseen Macalin uu ka haray safarkii madaxweynaha ee Maraykanka oo ahaa kii ugu muhiimsanaa, diiradana lagu saarayay kaalmada amni ee uu Maraykanka siinayo Soomaaliya.

Xuseen Macalin inkasta oo uu ka mid ahaa dadkii loo dalbay dal-ku-galka, haddane Garowe Online waxa ay xaqiijin kartaa in uusan helin, sidaasina uu safarka kaga baaqday. Lama oga in dowladda Maraykanka ay ka gaabsatay la macaamilka Xuseen Macalin oo ay farta ku godayaan dowladaha dariska qaar.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaan weli cagihiisa si wanaagsan isugu taagin, iyada oo ay ka jirto isku dhexyaac badan iyo jadwal shaqo oo toos ah oo uu leeyahay xilli la ogyahay in xafiiskaasi uu ahaa kii ugu awoodda badnaa dowladdii hore, iyada oo ay soo mareen rag uu ka midyahay wasiirkii hore ee ee arrimaha dibedda Cabdi Siciid.

Hadda seddex caqabood oo waawayn ayaa haysta xafiiska Amniga Qaranka oo ah kan ugu weyn ee looga fadhiyo dajinta istaraatiijiyadda amniga, tan koowaad waa xiriirka dalalka dariska oo waqti xaadirkan amniga gudaha muhiim u ah marka laga hadlayo nooca cadaw ee uu dalka wajahayo, dalalkaas oo midkood uu shaki weyn ka qabo Xuseen Macalin, midka kale ay dhowaan ka dhacday doorasho, yeelana doona hoggaan cusub oo amniga oo aanan la ogeyn qorshaha ay lasoo shaqo geli doonaan.

Caqabadda labaad waa dalalka Maraykanka uu koow ka yahay oo maalgashi culus oo dhanka amniga ah ku sameeyay Soomaaliya, una baahan wax ka badan qoraalo xarxardhan oo shaashadda baraha bulshada lagu soo bandhigo. Waxay u baahanyihiin hawl amni oo laga dhex saaray dan koox iyo dan shaqsi.

Tan seddexaad ee ugu muhiim ayaa ah wada shaqaynta dowlad goboleedyada oo xogta amniga inteeda badan ay taalo, keliyana doonaya qof ay aaminaan 100% xilliga ay shaqadu socoto.

Si kastaba ha ahaatee, La Taliyaha Amniga Qaranka ayaa caawo ka maqan miiska arrinta ugu muhiimsan ee looga wada hadlayo ay tahay Amniga, miiskaas oo uu dhinac ka fadhiyo madaxweyne Xasan Sheekh, dhinaca kalena uu ka fadhiyo wasiirka difaaca Maraykanka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shariif oo si adag uga hadlay dilka askar kamid ah ciidanka xoogga

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa dhacay xilli ciidamadan ay ku maqnaayeen fasax iyo safar.

  • Soomaliya

    28-12-2024

  • 08:12AM

UN-ka oo ansixiyey howlgalka cusub ee badalaya taliska ATMIS

AUSSOM waxay hawlgelin doontaa ilaa 12,626 askar ah, oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah.

  • Soomaliya

    28-12-2024

  • 08:02AM