Soomaaliya: NISA oo weerar ku qaadey guriga Cabdiraxman Cabdishakur

Image

MUQDISHO- Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa weerar ku qaadey galinkii dambe ee caawa gurriga siyaasi Cabdiraxman Cabdishakur halkaasoo wararka soo gaaraya Garowe Online sheegayaan in xabsiga loo taxaabey iyadoo howlgalkaan uu sababey dhimasho iyo dhaawac.

Wararka soo gaaraya warsidahaan ayaa xusaya in ilaalada guriga Cabdiraxman Cabdishakur qaar ka tirsan weerarkaan ku dhinteen halka siyaasigaan oo wayadaan dambe mucaarad xoogan ku ahaa dolwada Madaxweyne Farmaajo dhaawac fudud soo gaarey.

Xogta aan ka heley qaar ka tirsan dad u dhow Siyaasi Cabdiraxman ayaa sheegeysa in ciidankaan ku dabiibeen dhaawaciisa isbitaalka Digfeer halkaas oo ay horey ugu sii gudbyeen xarunta hay'ada sirdoonka ku leedahay magaalada Muqdisho.

Cabdiraxman Cabdishakur oo kamid ahaa musharaxiinta Madaxweynaha doorashadii dalka ka dhacdey horaantii sanadkaan ayaa lala qabtey sarkaal hore uga tirsanaan jirey dekada magaalada Muqdisho kaasoo marka weerarkaan dhacayey ku sugnaa gurigiisa.

Weerarka ciidamadaan ayaa yimid kadib markii maalintii shaley Xeer Ilaaliyaha Qaranka eedeymo u jeediyey labo Xildhibaan oo ka tirsan aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka isagoo codsadey in xasaanada laga qaado si loogu soo oogo dambiyo ay ka galeen qaranka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Talaabada Villa Soomaaliya ku soo qabatey Cabdiraxman Cabdishakur ayaa noqonaysa boog cusub ee siyaasadeed iyadoo wararku sheegayaan in falkaan yahay mid lagu cabsi galinayo mucaaradka madaxda sare oo maalmahaan kor u sii kacayey.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo La Kulmay Dhibaato Ka Dhalatay Iskaashiga Itoobiya

Booqashadan ayaa timid kadib dadaallada dhexdhexaadinta ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ee bishii December 2024.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 11:56AM