Soomaaliya oo jartay cilaaqaadkii Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadda oo cuskaneysa "ku xadgudub joogtada ah ee madax-banaanida," Dowladda Soomaaliya ayaa jartey xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Kenya.

Diblumaasiyiinta ka jooga Nairobi ayay fartey in waddanka kusoo laabtaan, halka kuwa Kenyanka ah ee ku sugan Muqdisho ay siisay 7 maalmood oo ay dalka uga hayaamaan.

Wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa saqdii dhexe ee xalay telefishinka Qaranka ka akhriyey war-saxaafadeedka dowladda federaalka ee muddo xileedkeeda uu dhamaadka yahay.

Go'aankan ayaa kusoo hagaagay xilli madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, uu Isniintii madaxtooyadda Nairobi ku qaabilay wafdi uu horkacayo hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Bishii November 29-keeda ee sanadkan 2020-ka, Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka ka jooga Nairobi, waxayna danjiraha Kenya ay ku amartay in uu wadatashi ugu laabto waddankiisa.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa u muuqatay in Dowladda Kenya ay si bareer ah u faragelinayso amuuraha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo cadaadis ku haysa Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee Doorashooyinka ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ku gaareen Muqdisho 17kii Sebteembar 2020," ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda.

Kenya iyo Jubaland oo ka jawaabay eedeymahaas ayaa iska fogeeyay. Labada dhinac waxay xuseen in ay diyaar u yihiin ka shaqeynta hanaanka doorashooyinka oo ku yimid hab wada ogol.

Murashaxiinta madaxtinimadda oo ka falceliyey talaabadaas ayaa la xiriiriyey damaca soo laabashada Farmaajo, iyaga oo uga digay in uu ololaha ku galo siyaasadda arrimaha dibadda Qaranka.

Farmaajo ayaa ololihii 2016-kii wuxuu saaxada kusoo galay olole ka dhan ah Itoobiya arrintaas oo falanqeeyeyaashu aaminsan yihiin in ay u hirgashay, balse ay su'aal geliyeen qorshihiisa xagaagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM