Soomaaliya: Safiirka Kenya oo su'aallo laga waydiiyay safarka Axmed Madoobe ee Nairobi
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa cabasho ka gudbisay diyaarad la sheegay in ay ka diiwaangashan tahay Kenya oo hawada dalka si sharci-darro ah ku soo gashay Sabtidii shalay, iyadoo aan ogolaansho ka haysan Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), taas oo maamusha hawada Soomaaliya.
Warbixinno la helay ayaa tilmaamaya in diyaaradda ay qayb ahaan qarisay lambarkeeda diiwaangelinta, ka dibna ay ku soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo. Mas'uuliyiin arrintan ka hadlay ayaa sheegay in diyaaraddu qaadey madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, oo u safray caasimadda Kenya, Nairobi.
Mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa falkaas ku tilmaamay "ku xadgudub sharciyada hawadeena," waxayna ka dalbadeen Kenya in ay si degdeg ah uga jawaabto arrintan.
Ilaa iyo hadda, wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya iyo hay'adda duulista rayidka Kenya (KCAA) kama aysan soo saarin wax bayaan rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan, taas oo laga yaabo inay sababto khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal ee dariska ah.
Hase ahaatee, sida uu ogaadey warsidaha Garowe Online, Axmed Madoobe ayaa Sabtidii ka ambabaxay Kismaayo isagoo u safray Nairobi si uu ula kulmo wakiillo caalami ah iyo diblumaasiyiin, isagoo kala hadlaya arrimaha amniga, nabadda, iyo horumarinta Jubaland.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la filayaa inuu u safro Isutagga Imaaraadka Carabta si uu halkaas ugu sii wado wadaxaajoodyada taageerada beesha caalamka ee Jubaland.
Tani waxay ahayd safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo markii uu sanadkii hore markii saddexaad ku guuleystay doorashada madaxweynaha Jubaland, inkastoo doorashadaasi muran dhalisay. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa diidday natiijadaas, iyada oo ku andacootay in doorashadu ay ka horjeedday habraaca doorashada tooska ah ee qof iyo cod.
Axmed Madoobe ayaa ku dooday doorasho dadban inay tahay mid waafaqsan dastuurka Jubaland, isagoo sheegay in doorasho toos ah ay horseedi karto muddo kororsi sharci-darro ah oo ay sameeyaan madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeysanaya in dalka uu yeesho doorashooyin madaxweyne oo isku mid ah si shacabka loogu ogolaado inay doortaan hoggaamiyeyaashooda, heer Federaal iyo Heer maamul Goboleed.
Kenya ayaa xiriir dhow la leh Jubaland, taas oo door muhiim ah ka ciyaarta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ciidamada difaaca Kenya ayaa ku sugan qeybo badan oo Jubaland ah, iyaga oo hoos taga Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa fiicnaa tan iyo doorashadii Xasan Sheekh 2022.
GAROWE ONLINE