Soomaaliya: Xildhibaan heer Federaal ah oo geeriyooday

Image

INDIA - Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin, oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka India.

Ehellada marxuumka ayaa xaqiijiyay geeridiisa, oo timid kadib markii uu soo wajahay xanuun mudo uu la il-darnaa, waxaana dhawaan loo qaadey India, oo xalay uu ku dhintay.

Xildhibaanka ayaa lagu sameeyay qaliin kahor inta uusan geeriyoon.

Meydka Bootaan Ciise Caalin ayaa la filayaa in dhawaan meydkiisa dib loogu soo celiyo dalka, si aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Bootaan Ciise waxa uu kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii ka qeyb-qaatey burburka dowladdii dhexe ee dalka, taasi oo hogaaminayay Maxaamed Siyaad Barre.

Allah ha u naxariistee Bootaan Ciise waxa uu soo noqday Wasiirka dhaqan-celinta iyo malleeshiyaadka dowladdii marxuum Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM