Soomaliya: Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaliya- Qarax aad u xoog badan ayaa hadda ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasumadda Soomaaliya gaar ahaan nawaaxiga wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama.

Wararka ayaa sheegaya in gaari ay leeyihiin ciidamada dowladda uu ku qarxay nawaaxiga isgoyska Soobe ee KM5.

Lama oga cidda bartilmaameedku ahaa iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, balse warar hordhac ah ayaa sheegaya inay ugu yaraan 10 qof ay dhinteen.

Weerarkan ayaa loo malaynayaa inay ka dambayso kooxda Al Shabaab, waxaana jugtiisa laga maqlay dhammaan caasumadda Soomaaliya.

Muuqaalo laga duubay nawaaxiga halka qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya qiiq xirka isku shareeray.

Ciidamada Ammaanka ayaa goobta gaaraya, waxaana daqiiqadaha soo socda la ogaan doonaa khasaaraha.

Tallaabadan ayaa timid xilli ay is-casileen taliyihii ciidamada xoogga dalka iyo wasiirkii Gaashaandhiga, sidoo kale maanta Al Shabaab ay la wareegtay deegaanka Bariire.

Muqdisho oo tan iyo bur-burkii Soomaliya hoy u ahayd qaraxyo iyo dagaallo ayaa muddooyinkii dambe laga dareemay xasilooni.

Faah faahinta warkaan dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM