Taariikhda Jeneraal Maxamed Abshir Muuse

Image

Minneapolis, USA - Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidamada Booliska Soomaaliya, Maxamed Abshir Muuse ayaa caawa 25-ka bisha October ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Taariikhdiisa oo kooban

Maxamed Abshir wuxuu dhashay sanadkii 1926, wuxuuna tababarkiisa ciidan kusoo qaatey dalka Taliyaaniga, isagoo dhalinyaro ah kahor inta uusan ku biirin ciidamada difaaca (Somali Defence forces).

1958 Allah ha u naxariistee Abshir Muuse waxuu noqday Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya oo in kabadan 10 sano uu ahaa, kahor inta uusan Jeneraal Maxamed Siyaad Barre afgenbiga kula wareegin talada dalka.

Abshir Muuse oo darajada Jeneraalka ka gaarey Ciidamada ayaa iska-casilay xilka Taliyaha Booliska 1968 kahor doorashadii Madaxweynaha oo xilligaasi, isagoo kasoo horjeestay hanaanka doorashada.

Maxamed Siyaad Barre ayaa xabsiga dhigay Maxamed Abshir mudo 12 sano ayuuna maxbuus u ahaa, kadib markii uu sii aad ah u mucaaraday nidaamkiisa kaligii-taliska ahaa.

AHN Maxamad Abshir ayaa kamid noqdey inta aysan burburin Dowladii Soomaaliya siyaasiyiin hore iyo kuwa cusub ( Manifesto) oo waraaq u qorey AHN Maxamad Siyaasad Barre kuwasoo ugu baaqey in xilka isaga Dago madaama dalku khatar ugu jiro inuu buburo. 

Jeneraal Maxamed Abshir markii uu xabsiga laga soo daayay kadib islamarkaana uu dhacey dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya wuxuu noqday hogaamiyaha siyaasadda Jabhaddii SSDF, oo xilligaasi garabkeeda ciidmada uu madax ka ahaa marxuum Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf intii u dhaxaysay 1991 illaa 1998.

Jabhada Diimuqraadiga Badbaadinta Soomaliyeed (SSDF) ayaa ka talin jirtey degamada la oran jirey Woqooyi Barri ( Puntland).

Xuquuqda xogtaan isku keenisteeda waxaa iska leh warsidaha Garowe Online 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM