Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidanka Badda Soomaaliya

Image
Magacaabidan ayaa imaanaysa maalin kadib markii Xasan Sheekh uu kasoo laabtey waddanka Eritrea.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Gaashaanle Sare Mubarak Cabdiqani Muuse Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sida ay war-saxaafadeed ku sheegtay Madaxtooyadda Soomaaliya, Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15.

Xasan Sheekh ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed, si loo helo ciidan awood u leh hanashada sugidda amniga marin-badeedyada dalka iyo difaaca xeebaheenna ballaaran.

"Xeerkan Madaxweyne oo waafaqsan qodobbada 80-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhaqan galay faafinta rasmiga ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Madaxtooyadda.

Magacaabidan ayaa kusoo aadaysa maalin kadib markii Xasan Sheekh uu kasoo laabtey Eritrea halkaasoo uu ku kormeeray cutubyo kamid ah ciidamo loo tababaray badda. Balse lama ogga waqtiga saxda ah ee askartan ay kusoo laaban doona dalka.

Mubarak ayaa kamid ah ciidamadda lagu tababaray waddanka Eritrea. Safarkii koowaad ee madaxwayne Xasan Sheekh uu ku tagay Asmara, Gaashaanlaha wuxuu kamid ahaa cutubyadii loo diyaariyey in ay salaanta siiyaan hogaamiyaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu maamulada u fasaxo doorashada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa horey u damcay muddo kororsi, xiligaas oo uu diiday in Madaxweynaha Jubaland qabto doorasho.

  • Soomaliya

    17-10-2024

  • 04:32AM

Swan oo Xamsa ugu tagey xafiiskiisa kadib markii Shirka kusoo celin waayay Axmed Madoobe

Xasan Sheekh ayaa wajahaya culeysyo badan oo uga imaanaya dhinaca Maamul Goboleedyada maadaama aysan ku qanacsanayn siyaasadiisa.

  • Soomaliya

    16-10-2024

  • 09:03AM