Wasaarada Waxbarashada DF oo lagu taliyey in dib u habeyn lagu sameeyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Carada ka dhalatay natiijada Imtixaanka shahaadiga 2019-20 ee Dowlada Federaalka waa in uu soo dedejiyo dib-u-habeyn lagu sameeyay Wasaarada Tacliinta dalka, sidda uu soo jeediyay siyaasi.

Cabdifaarax Saciid Juxa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya horeyna Wasiirka Waxbarashada uga soo noqdey dowladda Puntland, ayaa diidmada ka dhalatay natiijada wuxuu ku sifeeyay in ay tahay "fashil".

Qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka dadweynaha Facebook ayuu ciwaan uga dhigay "Maxaa laga baran karaa fashilka imtixaanka Godax?.

Afar qodob ayuu rumeysan yahay in ay noqon karaan casharka laga baran karo dharbaaxada ka dhalatay Imtixaankaan ay hormuudka u ahayd Wasaaradda uu sii haayaha ka yahay Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

"1. Waxaa soo baxday in degdeg loogu baahan yahay macallin tababaran, kormeer joogto ah iyo Manhaj iyo siyaasad waxbarasho oo hubisa tayada waxbarashada iyo heerka tacliinta ardayga kahor imtixaanka dugsiga 12-aad," ayuu ku bilabaay qoraalkiisa.

Juxa ayaa intaas wuxuu ku daray: "2. Waxaa laga baran karaa khatarta ay leedahay in Hay'ad xirfadeed laga raadiyo dhibco siyaasadeed oo la illaawo ujeedadii iyo hadafkii loo asaasay".

"3. Waxaa ugu muhiimsan oo laga baran karaa waxaa weeye in malaha wasaaradda Waxbarashada Federaalka dib-u-eegis iyo reform weyn lagu sameeyo. In kaalinteeda lagu soo koobo xafiis ka shaqeeya "xiriirinta, ilaalinta hal-beegyada iyo qareemidda guud," ayuu soo jeediyey.

Aakhiritaankii ayuu ku taliyey: "4. Ugu damayn waxaa laga baran karaa muhiimadda ay leedahay in maamul-goboleedyadu si toos ah ula wareegaan masuuliyadda, maamulka iyo maalgelinta waxbarashada oo ay dabakhaan nidaamka Federalism-ka iyo hoos ka dhiska Dawladnimada".

Maadaama dalku yahay federaal, dastuurka qabyada ah ayaa xeerinaya in maamulada ay si gooniya u maamulan karaan, iyaddoo dowladda dhexe ay dusha kala soconeyso kana caawineyso adeegyada muhiimka ah.

Waa markii labaad oo fashil uu soo wajaho Imtixaanka Shahaadiga Dowlada federaalka ah tan iyo markii uu madax u noqdey Wasaaradda Goodax Bare. Natiijadda imtixaankii u dambeeyay waxaa la riday 8-kun oo arday ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mas’uul Sare oo ka socota Qaramada Midoobay oo soo gaartey Muqdisho

Rosemary DiCarlo waa Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda.

  • Soomaliya

    17-10-2024

  • 12:10PM

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu maamulada u fasaxo doorashada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa horey u damcay muddo kororsi, xiligaas oo uu diiday in Madaxweynaha Jubaland qabto doorasho.

  • Soomaliya

    17-10-2024

  • 04:32AM