Wasiir ka tirsan dowladda Federaalka oo lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka howlaha Guud iyo dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Somalia Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdishu, ee caasumadda dalka Somalia.

Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji, oo ahaa wasiirka ugu da'da yar wasiirada cusub ayaa ku dhintay rasaas lagu furey gaarigiisa, xilli uu marayay meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Wasiirka warfaafinta Somalia Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisow ayaa xaqiijiyay dilka Wasiirka, waxaana uu ka gaabsaday inuu fahfaahin dheeraad ah ka bixiyo cida dishay.

Warar GO uu helay ayaa sheegay in ciidamo illaalo u ah Hant-dhowraha Guud ee qaranka ay rasaasta ku fureen Gaariga Wasiirka Howlaha Guud, kadin markii sida la sheegay ay ka shakiyeen.

Waxaa lagu soo waramayaa inla qabtay 4 kamid ah Askarta dilka geysatay, islamarkaana uu socdo baaritaan xooggan.

Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji, ayaa sidoo kale ahaa Xildhibaan katirsanaa Aqalka hoose ee Baarlamaanka Somalia, waxaana laga soo doortay Jubbaland.

Wuxu mudo 20 sano ah uu ku noolaa xerada IFO ee katirsana Dhadhaab, oo uu kamid ahaa Kumanaanka qaxootiga Soomaaliyeed ee halkaasi ku noolaa wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee dalka.

Magalaada Muqdishu ayaa waxaa ka jira Cabsi farabadan oo la xiriirta qaraxyada lalal beegsanayo madaxda dowlada, saraakiisha iyo shacabka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM