Soomaaliya: Wasiirka difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo is-casilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, iyo Taliyihii Ciidanka Xoogga, Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid), ayaa ka casilay xilalkoodii.

Wasiirka Warfaafinta Eng Cabdiraxmaan Yariisow, ayaa saxaafadda u xaqijiyay Is-casilaadda labadaasi mas'uulka, isagoo sababtuna ku sheegay arrimo u gaar ah.

Wuxuu sheegay Yariisow in Gollaha Wasiiradda ay ka aqbaleen Wasiirka Difaaca is-casilaadiisa, kadib kulankoodii maanta oo uu shir gudoomiyay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu helay ayaa sheegay in Wasiirka uu isku casilay sababo kale oo wada-shaqeyn la'aan dhanka Ra'iisul Wasaaraha, oo aan kala tashan arrimaha quseeya howlaha loo igmaday Wasaaraddiisa.

Gollaha Wasiiradda ayaa Taliye Cirfiid, oo iscasilaadiisa u gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, ku bedelay Sareeye Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod).

Jeneraal Cirfiid sababta ka dambaysa Iscasilaadiisa waxay la xiriirtaa Dagaalkii Ciidamada Militariga iyo Nabad Sugida (NISA) ku dhexmaray Muqdisho bishii July, iyo duulaankii dhawaan Al shabaab ku qaadey Bariire, oo Askar badan lagu dilay.

Garowe Online ayaa fahansan in Wasiirka iyo Taliyaha, ay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre isku qabteen arrimo xasaasi ah, oo ay kamid yahay Mashaariicda dhaqaale ee dalalka Beesha caalamka iyo Hay'adaha kale siiyaan Ciidanka Xoogga.

Xogaha kale, ee GO soo gaarey ayaa sheegaya in Wasiirka iyo Yaliye Cirfiid aysan ka dhaxeyn wax wada-shaqeyn ah, sidaasi darteedna lagu qabsay labadooduba inay is-casilaan.

Ilo-wareedyo kale ayaa Garowe Online u sheegay in Dalalka Soomaaliya ka taageera dhinac dib u dhiska Ciidanka Qaranka iyo la dagaalanka Al shabaab ay mudo dheer ka cawanayay Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga.

Wasiirka ayaa waxay ku dhaliileen inuusan faham-saneyn, oo aqoon iyo qibradna u laheyn howlaha Ciidanka, halka Taliye Cirfiid-na uu ka dhega-adeegay isbedelka Ciidanka lagu sameynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM