Weerar lagu qaadey huteel caan ah oo ku yaala magaalada Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Weerar ku bilowday qarax xoogan ayaa Jimcada maanta ah laga soo warinayaa magaaladda dekadda leh ee Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka Jubbaland.

Warar horudhac ah ayaa waxay sheegayaan in duulaanka lagu beegsaday huteel caan ah kaasi oo lagu magacaabo Maamuus isla markaana horey loo oran jiray Cas-casey Hotel.

Dabley aad u hubeysan ayaa gudaha gashay kadib qaraxa, inkasta oo ay iska caabin kala kulmeen ciidamadda ammaanka ee ilaalada ka hayey huteelkaasi.

Kooxda gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ayaa durba dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdadan oo ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta maamulkaasi.

Fahfaahinada ayaa waxay intaasi ku dareysaa in uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarka, wallow aanan la xaqiijin karin tiradda saxda ah.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay si ay u soo daabulaan dadka wax ku noqdey si loo badbaadiyo noloshooda.

Weerarka ayaa wuxuu imaanaya iyadda oo la filayo in bartamaha bisha Agoosto 2019 ay Jubbaland ka qabsoonto doorashadda madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo la wareegtay Sabiid iyo Taliye Ciidan iyo Ilaaladiisa oo la dilay

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada dowladda ay hadda bilaabeen hawlgallo xooggan si ay u xaqiiyaan amniga deegaanka.

  • Soomaliya

    20-03-2025

  • 08:56AM

Qatar oo $8 million labo diyaradooda ugu iibisay dowladda Soomaaliya

Soo dejinta diyaaradaha Akinci waxay calaamad u tahay horumar weyn oo ku saabsan xoojinta iskaashiga militari ee Turkiga iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-03-2025

  • 12:02PM