Xildhibaannada Mooshinka ka keenay Jawaari oo Go'aan cusub soo saaray

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanadii Mooshinka kasoo gudbiyay gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa caawa ku qabtey magaalada Muqdisho Shir Jaraa'id, oo ay uga hadleen go'aankooda.

Shirka Jaraa'id oo ka dhacay mid kamid ah Hoteelada Muqdisho, ayaa Xildhibaanada waxay ku shaaciyeen in wali uu taagan yahay Mooshinka, islamarkaana ay sharci darro tahay in Gudiga joogtada uu go'aankooda waxba kama jiraan ka dhigo.

Cabdi Cali oo kamid ah Xildhibaanada Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Jawaari uu markale ku xadgudubay Sharciga Baarlamaanka, maadaama sharci darro ay tahay in Mooshinka isaga soo gudbiyay uu Gudiga joogtada ah ka doodo ama furo.

Wuxuu sheegay in qalad ay tahay in Gudiga joogtada uu ka hadlo ama uu go'aan ka gaaro mooshinka, isagoo intaasi ku daray in Jawaari uusan ahayn gudoomiyaha Gollaha Shacabka, islamarkaana ay dooran doonaan Afhayeen cusub.

Xildhibaanada ka hadlay Shirka jaraa'id ayaa sheegay in laga been abuuray Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Jawaari, oo iyagoo jooga la sheegay inay ka laabteen saxiixa, waxayna intaasi ku dareen in Mooshinka uu socon doono illaa laga bedalo Jawaari.

Hadalka Xildhibaanada ayaa kusoo beegmaya xilli galabta kulan uu Gudiga Joogtada ku yeeshay Villa Hargeysa uu ku go'aamiyay in mooshinka laga soo gudbiyay Jawaari uusan sharci ahayn, kadib markii uu buuxin waayay sharuudihii looga baahnaa uu ah inay soo gudbiyaan 92 Xildhibaan. Halkan ka akhri.

Waxa kaloo guddiga sheegay in 16 mudane ay ka laabteen Xildhibaanada markii hore saxiixay Mooshinka, oo gaarayay 107 kuwaasi oo ay ku jiraan Wasiirro iyo Wasiir ku xigeenka katirsan Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Barakac Ka Billowday Qaar Ka Mid Ah Xaafadaha Muqdisho Xilli Xiisadda Sii Kordhayso

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama hoggaanka mucaaradka oo ku saabsan barakaca la soo sheegayo.

  • Soomaliya

    03-06-2026

  • 09:27AM

Dowladda oo Ciidamo Dul Dhigtay Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka, Xiisad Ka Taagan Muqdisho

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, ciidamada ammaanka ayaa la duldhigay guryaha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    03-06-2026

  • 08:37AM