XOG: Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan magaalada Galkacayo

Image

BOOSAASO- Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo oo iminka ku sugan magaalada Boosaaso ayaa warar aan ka heleyno xubno ku dhow sheegayaan in maanta galinka dambe ugu dambeyn maalinta berri ah ka ambabixi doono xarunta ganacsiga Puntland.

Waftiga Madaxweynaha Soomaaliya oo aad loogu soo dhoweeyey degaanada Puntland ayaa cagtiisa ugu dambeysa safarkaan ku tagi doona magaalada Galkacayo halkaas oo la sheegey inuu ku sugnaan doono labo maalmood.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu habeen u hoydo dhinaca Woqooyi ee Galkacayo halka Koonfurta magaaladaas joogi doono maalinta kale. Lama oga halka uu abaari doona safarka ku xiga Madaxweyne Farmaajo iyadoo wararku sheegayaan in safar lugta ah ku tagi dooni magaalada Cadaado oo xarun u ah maamulka Galmudug.

Wararka aan ka heleyno safarka Madaxweyaha gaar ahaan dad ku dhow ayaa xusaya iney dhib ka taagan tahay gadiidkii qaadi lahaa Waftiga Madaxweyne Farmaajo madaama magaalada Galkacayo uu qorhsyenayo inuu ku tago diyaarad uu ka qaadan doono magaalada Boosaaso.

Xogtaan ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya ay la socdaan wafti gaaraya 180 qof kuwasoo isugu jira xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada, Xildhibaano labada aqal, shaqaalaha xafiiskisa, taagerayaal siyaasdeed oo kasoo raacey magaalada Muqdisho iyo ciidamada sugaya amnigiisa kuwasoo ka kooban hay'ado Nabad sugineed ee kala duwan.

Magaalada Boosaaso iyo Magaalada Galkacayo oo isu jira masaafo dhuleed oo kor u dhaafeysa 700 KM ayaa waxaa adag in qaybo kamid ah waftigaas dib ugu soo noqdaan waqtiga dartiis iyadoo la sheegayo in hadii lagu daro Madaxweyne Gaas iyo dadka la socda diyaaradaha ay u baahan yihiin iney daad gureeyaan lagu qiyaasey ilaa 5 dulimaad.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Puntland iyo guud ahaan gobolada kale ee Soomaaliya ayaa shacabku aad u soo dhoweeyeen kuwasoo loo arka iney dhalineyso dareenka ah in dadku aaminaan in dowlad Soomaaliyeed ee dalka ka jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM