DF oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan shirka uu iclaamiyey Deni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey mowqifkeeda ku wajahan shirweynaha wadatashi ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka, ayaa tilmaamay in ay soo dhaweynayaan kulankaas.

Maareeye ayaa hadalkaan sheegay xili uu la hadlay Barnaamij gaar ah oo xalay ka baxay Talafishinka Qaranka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in shirkaas uu kasoo baxo "wax wanaagsan oo furo noqda".

Filashadooda ku aadan kulanka ayuu xusay in ay tahay in maxsuulka kasoo baxi doono uu noqdo "talo Soomaaliyeed oo fiican, oo kala aragti duwanaanta haatan jirta fududeyn doonta".

Isagoo la hadlaya Deni ayuu raaciyey "is-deji, xaaladaad ogeyd [oo jirta federaalka oo aad kasoo shaqeysay] ayaan ku jirnaayee, samey wax wanaagsan oo aan kala fur-fureyn".

Intii lagu guda jiray wareysiga, Maareeye ayaa meesha ka saarey in kulankaas uu kasoo bixi karo "gooni u goosad" ay ku dhawaaqdo Puntland.

Dowlada Federaalka ay madaxda ka yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre ayaa tan iyo intii talada dalka hayeen waxay faragalin ba'an ku hayaan maamulada ka jira dalka.

Jimcadii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Deni oo iclaamiyey shirwayne 15-ka March, 2020, ka dhici doona Garowe isla markaana kasoo qeybgeli doonan saamileyda siyaasada Puntland.

Kulankaas ayaa qorshuhu yahay in looga tashado mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya iyo kaalinta Puntland.

Shaacinta shirkaas ayaa timid iyaddoo qorshuhu yahay in dalka ay doorasho ka dhacdo 2020-21, wallow Villa Soomaaliya lagu eedeeyay "in ay afduubatay geedi u socodka iyo shuruucda muhiimka u ahayd".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM