Beesha Caalamka oo War culus kasoo saartay Dagaalka Tukaraq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa aad uga walaacsan iskudhacyada hubaysan ee ugu dambeeyay ee maanta ka socda agagaarka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool una dhexeeya Puntland iyo ‘Somaliland’, waxayna ku baaqayaan xabbad-joojin degdeg ah.

Sida ay wararku sheegayaan, dagaal culus ayaa aroortii saaka ka dhex qarxay ciidamada Puntland iyo ‘Somaliland’, waxaana lagu soo warramayaa in la isu-adeegsanayo hubka cul-culus.

Saaxiibada caalamku waxay ugu baaqayaan labada dhinac inay si dhakhso ah u hakiyaan dagaalka, ay billaabaan wadahadal dhex-mara taliyeyaasha ciidamada goobta ku sugan, xaqiijiyaan gaarsiinta gargaarka baniaadanimo ee loo wado dadka barakacay, ayna ka wada-hadlaan kala-qaadista ciidamada iyo is-weydaarashada maxaabiista askarta ah ee la kala qabsaday.

Saaxiibada caalamku waxay tilmaameen in shaqaaqadu ay dhacayso iyadoo bartanka looga jiro xaalad bani’aadanimo oo adag oo sii cakirisay saamaynta duufaanta roobabka dabaylaha wata ee Sagar – isku-dhacyadu waxay keliya uga sii darayaan dhibaatada haysata dadka ku nool deegaanka.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark, Itoobia, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka waxay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay dhowraan nabadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM