Abiy Axmed: Hab nabadeed ayaan ku raadineynaa marin badeedka

Image
Hadalkan ayaa wuxuu ka hor-imaanayaa hanjabaadihii hore ee ku aadanaa in ay dagaal u galayaan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay sheegay in dalkiisu uu ku raadinayo marinka Badda Cas “hab nabadeed”.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo hagaagayaa iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan soo gelista badda.

Abiy Axmed oo ka hadlayay baarlamaanka oo su’aalo ay ku weydiiyeen mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in Itoobiya ay arrintan ka taagan tahay mowqif cad.

"Dunidu ha maqasho maanta, Itoobiya waxay ilaalinaysaa dano qaran oo cad - waxay u baahan tahay marinka badda cas iyada oo loo marayo hab nabadeed," ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay: "Haddii aynaan guulaysan, carruurteenna way dhici doonaan".

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa u dhexeeya khilaaf diblumaasiyadeed oo aad u kulul, tan iyo markii ay Addis Ababa bishii January heshiis is-afgarad ah la saxiixdeen Somaliland.

Tallaabadaas ayaa waxay Soomaaliya u aragtay ama ay ku tilmaamtay mid xad-gudub ku ah qaranimada iyo madax-banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM