Abiy Axmed oo safarkiisii ugu horeeyay dibadda ku tagey Jabuuti

Image

JABUUTI - Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa booqashiisii ugu horeeyay dibadda tan iyo markii la doortay horaantii bishan ku tagey wadanka Jabuuti.

Booqashada Abiy Axmed oo labo maalmood qaadan doonto ayaa shalay uga billaabatay dalkan yar balse Istaraatiijiga ah ee Jabuuti, iyadoo uu halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Inta uu joogo Jabuuti, waxa uu Abiy Axmed ka qeybgalayaa shir looga hadlayo amniga, ganacsiga iyo xoojinta iskaashiga dalalka ku yaalla gobolka Geeska Africa.

Saraakiisha wadanka Jabuuti ayaa sheegay in Abiy Axmed oo hogaaminayo wafdi ballaaran oo wasiiro ay kamid yihiin uu Garoonka Ambouli International Airport kusoo dhaweeyay Ismaaciil Cumar Geelle.

Abiy oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa Baarlamaanka Itoobiya u doortay xilka Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, kadib markii uu bishii February si lama filan ah isku-casilay Hailemariam Desalegn.

Madaxweynaha Ismaamulka Somaalida ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar [Illey] ayaa kamid ah wafdiga Abiy Axmed ee booqashada ku jooga dalka ku yaalla Badda Cas ee Jabuuti.

Booqashada Abiy Axmed ayaa imaanaysa xilli caqabado badan ay ka jiraan gudaha dalkiisa, oo ay la dageen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo iyo qalalaase siyaasadeed oo dad badan loo xiray.

Jabuuti oo ah dal xudun u ah isku-xirka Africa iyo bariga dhexe ayaa waxa uu martigelinayaa saldhigyo military oo ay ku leeyihiin dalal ay kamid yihiin Mareykanka, Faransiiska, Jarmalka, Japan.

Shiinaha ayaa hadda ka dhisanaya Jabuuti saldhigiisa ugu horeeyay ee caalamka.

Dekedda Jabuuti ayaa ah isha ay wax kala soo dagto Ethiopia, maadaama uu yahay dalka aan bad lahayn, sidaasi darted waxaa kala dhaxeeya Jabuuti xiriir qoto dheer oo dano ku salaysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM