Afrika oo Wajahaysa Gaajo Ba’an Iyadoo Hoggaamiyeyaasha Baaq Degdeg ah Direen

Image

Addis Ababa, Itoobiya – Warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa muujisay hoos u dhac la dareemayo oo ku yimid heerka gaajada caalamka, hase yeeshee waxaa si xawli ah u koraya tirada dadka gaajaysan ee qaaradda Afrika. Qiyaas ahaan 512 milyan oo qof ayaa weli la filayaa inay gaajaysan yihiin dhamaadka tobanka sano ee soo socda, iyadoo 60% dadkaas ay ku nool yihiin Afrika.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, oo khudbad muuqaal ah ka jeediyay Shirka Sare ee Midowga Afrika ee Nidaamyada Cuntada (Global Food Systems Summit) oo ka dhacay Itoobiya, ayaa ka digay in cuntada aan waligeed loo adeegsan dagaal. Wuxuu ugu baaqay hogaamiyeyaasha in si degdeg ah oo wadajir ah wax looga qabto masiibada sii kordhaysa ee cuntada ee Afrika.

“Tirada dadka nafaqo-darrada la daalaa dhacaya Afrika waa mid laga argagaxo – in ka badan 280 milyan oo qof ayaa la ildaran gaajo,” ayuu yiri Guterres.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Midowga Afrika, Mahamoud Ali Youssouf, ayaa tilmaamay in isbedelka cimilada, colaadaha, iyo qalalaasaha dhaqaale ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee sii hurinaya sugnaanta la’aanta cuntada.

“52 milyan oo Afrikaan ah ayaa wajahaya xaalad sugnaan la’aan cunto, halka 3.4 milyan ay qarka u saaran yihiin macaluul,” ayuu yiri Youssouf.

Hoggaamiyeyaasha shirkan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay maalgelin xooggan oo lagu sameeyo beeraha, adkeysiga cimilada, iyo nidaamyada ilaalinta bulshada si loo joojiyo jihada khatarta ah ee ay cuntada Afrika ku socoto.

Haddii aan tallaabo degdeg ah laga qaadin, Afrika waxay noqon kartaa qaaradda ay ku nool yihiin kala bar dadka gaajaysan caalamka sanadaha soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM