Al-Bashiir oo qarka u saaran in uu wajaho dacwado dambiyo dagaal ah

Image

KHARTUUM, Suudaan – Ra'iisul wasaaraha Sudan ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu Maxkamada Dambiyada Caalamiga kala shaqeeyo maxkamadeynta dadka dambiyada dagaal ka geystay gobolka Dafuur.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Khartuum, Cabadalla Xamduuk, oo xusay in dowladiisu la gashay kooxaha hubeysan heshiis ay maxkamad kaga soo muuqan doonan shan kamid ah Suudaaniyiinta ay ICC goobeyso.

Hase ahaatee, ma uusan caddeynin doorka ay Suudaan ku yeelaneyso maxkamadeyntaas iyo hadii uu kamid yahay Al-Bashiir.

"Waxaan hoosta ka xariiqayaa in dowladda ay si buuxda ugala shaqeyn doonto ICC fududeynta in ay hesho kuwa dambiyada dagaal ku eedeysan iyo dadka geystay dambiyada liddiga ku ah dadnimada," ayuu yiri.

Hadalkaas ayuu Sabtidii todobaadkan wuxuu ka jeediyey telefishinka ku hadla afka dowladda xilli uu kasoo hadlayey xafiiskiisa gaarka.

Cumar Xasan Al-Bashiir, hogaamiyihii mudada dheer xukumayey wadankaas, ayaa ku jira liiska shaqsiyaadka eedeymahaas loo haysto.

Al Bashiir oo xabsi ku jira tan iyo sanadkii hore xukunka looga tuuray isu soo baxyo shacab waxaa doon-dooneysa ICC, taasoo ku haysata in uu mas'uul ka yahay dilka qiyaastii 300,000 qof oo Dafuur lagu dilay 2011-kii.

Mr Al-Bashiir ayaa dhowr jeer si ku cel-celis ah u beeniyey eedeymaha ka dhanka ah, wuxuuna ka badbaadey shirqoolo lagu soo taagi lahaa Maxkamada The Hague markii la isku dayey in lagu qabto wadamo uu booqasho ku tegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM