Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Image

Bamako – Baarlamaanka ku-meel-gaarka ah ee dalka Mali ayaa Khamiistii si aqlabiyad ah u ansixiyay sharci u ogolaanaya Taliyaha Afgambiga sameeyay, Gen. Assimi Goita, inuu sii hayo xilka madaxweynenimada dalka iyadoo aan wax doorasho ah la qaban.

Qoraalka sharciga ayaa dhigaya in muddo xileedka Goita "dib loo cusboonaysiin karo intii loo baahdo", iyada oo aan loo marin cod-bixin dadweyne. Dhammaan 131 xildhibaan ee fadhiga joogay ayaa si mideysan u taageeray sharcigaas.

Goita, oo 41 sano jir ah, ayaa dalka xukumayay tan iyo bishii Agoosto 2020 kadib afgambi uu ku riday madaxweynihii markaa xilka hayay, Ibrahim Boubacar Keïta, isagoo ku eedeeyay fashilka la dagaallanka fallaagada Islaamiyiinta ah ee ka dagaallamaya waqooyiga dalka.

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

Maamulka militariga ee Mali ayaa si joogto ah uga dhega adeygay cadaadiska ka imanaya dalalka gobolka iyo beesha caalamka ee ku aaddan qabashada doorashooyin iyo dib ugu noqoshada nidaamka rayidka ah.

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM