Baarlamaanka Masar oo awood dheeri ah siiyey Al Siisi xilli ay xiisad jirto

Image

KHAAHIRA, Masar – Baarlamaanka Masar ayaa Isniinta maanta ah wuxuu ansixiyey in madaxweynaha dalkaas ciidamo u diri karo deriskooda Libya hadii ciidanka Turkiga taageerayo u dhaqaaqaan qabsashada Sirte.

Sirte waa magaalo muhiim u ah oo ku taala xeeb istaraatiiji ah. Cabdel Fataax Al Siisi wuxuu horey ugu sifeeyay in ay tahay "qad casaan ah".

Faragelin milatari oo ay sameyso Masar ayaa dab kusii shidi karta xasilooni darada Libya, waxaana xulafada Mareykanka ee Masar iyo Turkiga ay suurtagal tahay in uu ka dhex-qarxo iska hor-imaad culus oo toos ah.

Coddeynta ayaa qorshuhu ahaa in ay dhacdo Axadii, balse waxaa loosoo bedelay Isniinta, sidda laga soo xigtay sharci-dejiye Mustafa Bakry.

Golaha Wakiilada, oo ay ku badan yihiin taageereyaasha Al Siisi, ayay u badan tahay in ay u coddeyn doonan in ciidamo loo diro Libya.

Libya ayaa qalalaaso wajaheysa tan iyo markii gaashaanbuurta NATO ay 2011-kii rideen hogaamiye Moammar Gadhafi oo kolkii dambe la dilay. Waddankaan hodanka ku ah shidaalka wuxuu u kala qeybsamay gobolo.

Bariga waxaa gacanta ku haysa dowlad caalamka aqoonsan yahay, halka galbeedka ay maamulaan falaago uu hormuud u yahay Jeneraalka Khaliifa Xaftaar. Dhinacyada waxaa la kala safan dowlado.

Masar ayaa barataareysa ciidamada fadhigoodu yahay bariga, halka Turkiga uu gedaal ka riixayo ciidanka ku sugan caasimadda Tripoli.

Wargeyska al-Ahram ee dowladda Masar ay maalgeliso ayaa wariyey in talaabo milatari ee waddankaas ku goodiyey in uu ku dhawaaqayo ay tahay mid looga difaacayo "duulaan Turkiga kusoo qaado galbeedka".

Baarlamaanka fadhigiisu yahay bariga ayaa horey u codsaday Masar taageero milatari. Asbuucii hore, Al Siisi wuxuu la shiray qabqablayaal Liibiyaan ah oo ka socday qabiilada dalkaas, isagoo kala hadlay yoolkiisa.

Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer ugu baaqdey dhinacyada ku lugta leh colaadda Libya in ay u turaan shacabka isla markaana wadahadalo lagu dhameeyo dhamaan kala aragti-duwanaanshiyaha ku saabsan Sirte.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM